Shabakadda Wifi Waxa Ay Suurtagelin Kartaa In Dhaqdhaqaaqaaga Internet Ka Si Dhow Loola Socdo

0
807

Shirkadda ESET ee ammaanka internet ka ayaa fashilisay galdaloolooyin ammaan oo ka jira shabakadda WiFi. Ceebahan khatarta ah oo sahli kara sahli kara in shabakadda WiFi si sahal ah loogu dhexgalo xitaa haddii uu fure (Password) adagi ku xidhan yahay.

Sidaas awgeed mar kasta oo aad isticmaalayso internet ah shabakadda WiFi waxa aad halis u tahay in budhcadda internet ka, hay’adaha sirdoonka iyo cid kasta oo danaynaysaa ay si dhow ula socon karto tallaabo kasta oo aad qaadayso internet ka dhexdiisa.
Baadhitaanno ay shirkaddani samaysay ayaa muujinaya in galdalooladan amni ee WiFi aanay ku koobnayn noocyo keliya oo ka mid ah qalabka la isticmaalo oo ay ku jiraan kuwa la aaminsan yahay in amnigoodu fiican yahay, ee ay ka mid yihiin iPhone iyo kombiyuutarrada Apple iyo Echo oo ay shirkadda Amazon leedahay. Galdaloollada amni ee WiFi oo ay xeeldheereyaashu u bixiyeen magaca ‘Kr00k’ waxa ay suurtagelinayaan in lala socon karo macluumaadka uu qofku ku dirayo ama ku helay WiFi. In la dhegeysan karo taleefannada uu qofku ku hadlayo, iyo in mararka qaarkood taleefanka ama kombiyuutarka oo aan la isticmaalayn la soo dhexgeli karo kaddibna sameecadda iyo kamaradda la shidi karo si loola socdo xaaladda qofka isticmaalaya iyo hadalladiisa.
Cilladdan cusub ee ku soo baxday ammaanka taleefannada, kombiyuutarrada iyo qalabka kale ee shirkadaha Apple, Samsung, iyo Google ayaa sii kordhinaysa walaaca horeba looga qabay amni darrada internet ka adduunka oo noqday dabinnadaugu muhiimsan ee sirdoonnada adduunka oo dhami ka ugaadhsadaan cadawgooda, kana raadiyaan xogta cidda ay rabaan.
Talooyinka illaa hadda ugu fiican ee ay khubarada amniga internet ku bixinayaan ayaa ah in qofku uu ku dadaalo in barnaamijyada taleefanka ama kombiyuutarka uu isticmaalayaa ay noqdaan hadba cusboonaysiintii ugu dambaysay ee shirkadda ka soo baxday, gaar ahaan marka qalabkani uu yahay mid lagu isticmaalo internet ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here