Sababaha In Wadnuhu Uu Shaqadiisa Gaabiyo Sida Loola Tacaalo Iyo Calaamadaha Lagu Garto

0
1022

Hayadda caafimaadka wadnaha ee dalka Jarmalka ayaa shaacisay in gaabiskak u yimaadda shaqada wadnuhu uu ku yimaaddo sababo kala duwan. Waxaa ka mid ah cillad abuurta la xidhiidha iyo xanuunnada ku dhaca xididdada iyo halbawlayaasha dhiigga ee wadnaha, bukaanka ku dhaca muruqa wadnaha, wadne wareen daran, guud ahaan dhibaatooyinka caafimaad ee wadnaha soo foodsaara.


Waxa kale oo gaabiska wadnaha keena dhiigkarka oo la daweyn waayo, ama si badqabta loo xakamayn waayo. Cabbista khamriga iyo isticmaalka maandooriyaha. Waxa kale oo caafimaadka wadnaha khatar ku ah dawooyinka qaarkood.
Dhibaatooyinkaas aynu soo sheegnay waxa ay burburiyaan qaybo badan oo ka mid ah nudaha muruqa wadnaha, waxa aanay wadnaha ka hor istaagaan in uu si habsami ah u qabsado shaqadiisa oo ay ugu horreyso in uu dhiigga si dabiici ah u buufiyo si uu u gaadhsiiyo dhammaan qaybaha kala duwan ee jidhka.
Calaamadaha gaabiska wadnaha lagu garto waxaa ka mid ah:
1. Neefsiga oo qofka cidhiidhi ku noqda.
2. Laabta oo uu xanuun iyo gubasho ka dareemo.
3. Garaaca wadnaha oo khalkhal ku yimaaddo (Mar uu bato iyo mar uu yaraado ama dhaqsado)
4. Cagaha oo dareeraha jidhku ku kaydsamo. (Cagaha oo sida bararka u weynaado, sababtuna tahay biyaha iyo dareemaha jidhka oo ku ururaya.
5. Daal dhaqso ah.
Hay’addu waxa ay warbixinteeda ku sheegtay in gaabiska wadnaha ku yimaaddaa in uu yahay xanuun ka bogsashadiisu ay adagtahay, laakiin haddii goor hore laga war helo lala noolaan karo, lana dib dhigi karo khasaaraha uu keenayo. Dawooyinka inta badan lagula tacaalana waxaa ka mid ah dawooyinka dhiigga dejiya, kuwa kaadida badiya iyo kuwa nidaamiya garaaca wadnaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here