Qaahira (Geeska)- Waa qaybtii labaadee qormadii uu Geeska Afrika turjumay ee ka warramaysaa dhowr qiso oo ina tusaya culimo saynis oo sameeyey tijaabooyin qofka ku kaca waalli loo malayn karo.
3. Steven Firth, Waxa uu ahaa saynisyahan ku xeeldheer cudurrada faafa. Baadhis uu muddo waday ayaa ku soo dhammaatay aaminsanaanta ah in aanu cudurka Duumada (Kaneecadu) ka mid ahayn cudurrada la kala qaado, laakiin warkiisaasi rag badan ayaa uu ka dhaadhici waayey. Waxa aanay ku kalliftay in si uu u xaqiijiyo in natiijadan uu gaadhay sax tahay uu naftiisa ku sameeyo tijaabadii ugu waallida badnayd.
Waxa uu soo qaatay matag qof qaba cudurka kaneecada, kadibna inta uu mataggii qallajiyey oo uu budo ka dhigay ayaa uu ishihiisa qayb ku shubay, muddo ayaanu si joogto ah ula socday xaaladdiisa caafimaad si uu u ogaado waxa dhaca falkan kadib, laakiin aakhirkii waxaa u rumowday in aanu qaadin haba yaraato ee wax duumo ah.
Sida hadda cilmiga casriga ahi og yahay qofka oo ficil noocan ah ku kacaa waxa ay u dhowdahay in ay ku keento cudurka duumada, sidaa awgeed su’aashu waxa ay tahay waa maxay sababta uu Steven u qaadi waayey cudurkan? Khubarada xaqiijisay in habkan lagu kala qaadi karo duumaduna waxa ay xaaladda Steven ku macneeyeen in ay suurtogal tahay in mataggan uu qaatay aanu markaas ahayn mid cudurka gudbin kara, taas oo macnaheedu marka la soo koobo noqonayo in kaneecada sidan lagu kala qaado laakiin saynisyahankani uu nasiib badnaa.
4. Thor Heyerdahl Waxa uu ahaa saynisyahan caan ahaa oo u dhashay dalka Norway,gaar ahaan waxa uu aad u daraaseeyey cilmiga noolaha (Bayooloji), Juqraafiga iyo raad-raaca aataarta oo godad uu daraasado dhaadheer ku sameeyey ku ogaaday in dadkii hore ay badweynta deggen (Pacific) kaga gudbi jireen laashash dhagax xordan ka samaysan. Oo weliba ay ahaayeen kuwo tayadoodu aanay sidaas u sii fiicnayn.
Saynisyahankan Thor Heyerdahl si uu u hubiyo xaqiiqada taariikhdaas ayaa uu isaga qudhiisii samaystay dhagax xordan oo doon uu ka dhigto, si uu ugu safro badweynta, tii ayaa aanu sameeyey oo uu bad weynta ku jiray muddo ka badan 101 maalmood oo uu saarnaa laashan dhagaxa ah.
5. Tycho Brahe: Ninkan oo ka mid ahaa aqoonyahannadii waaweynaa ee soo maray dalka Denmark, si gaar ahna ugu xeeldheeraa cilmiga Falagga iyo xisaabta, isla markaana ahaa dagaal yahan ciidanka uu hoggaamiyo guul u horseedi kara, ayaa la sheegay in maalin maalmaha ka mid ah ay nin kale ku kala aragti noqdeen ha-raaca xisaabeed ee lagu furfuri karo masalo markaas u taallay, dood adag kadib waxa ay arrintii isu beddeshay muran, illaa aakhirkii mid ka mid ah raggii martida ahaa oo hadalkiisa ka hor yimid uu dagaal gacan ka hadal ah kala hortegey. Waxaa la sheegaa in Tcho Brahe maalintaas uu sanka iskaga jaray seef uu ku waday ninkan la murmay.
Tycho Brahe oo noolaa qarnigii 16naad, waxa uu sancaystay san ka samaysan macdan oo uu intii noloshiisa ka hadhay oo dhan xidhnaa. Waxa uu lahaan jiray nin gaaban oo u shaqeeya. Ninkaasi marka wax la cunayo miiska uu cuntada ku cunayo Brahe ayaa uu hoos fadhiisan jiray waxa aanu cuni jiray hambada Brahe oo hadba uu in yar ugu soo tuurayo.
Tycho Brahe xafladaha tegitaankooda ayaa uu aad u jeclaa, waxaa la sheegay in maalin maalmaha ka mid ah uu xaflad saacado badan soconaysay tegey, markii cuntadii loo fadhiistay ayaa ay kaadiyi qabatay Brahe laakiin sida uu dhigayey dhaqanka dadka xafladda lahaa waa xaaraan in qofku uu kaco marka cuntada la soo dhigo, illaa la dhammaysto oo mar la wada kaco. Brahe oo markan nin weyn ahaa waxa uu saacsado badan isku xejinayey kaadi waxa aana aakhirkii qaraxday kaadi haysta oo cudur uu ka qaaday uu u dhintay 11 sano kadib.
6. Peirre Auguste: waxa uu ahaa farshaxan u dhashay dalka Faransiiska oo caan dunida oo dhan ka ahaa. Waxaa la aaminsan yahay in caalimkani uu wax weyn ka beddelay cilmigii suuxinta bukaana ee hortii jiray. Waxa uu muddo dheer baadhayey sidii uu u heli lahaa hab dadka loo suuxiyo oo ka fiican kii markaa jiray, waxa aanu aaminsanaa fikir cilmiya oo sheegaya in halka ugu fiican ee ay tahay in qofka laga suuxiyaa ay tahay laf-dhabarka, laakiin warkiisan waxaa aad uga soo horjeestay saynisyahannadii la xilliga ahaa.
Haddaba Peirre-Auguste oo doonaya in uu rumeeyo aragtidiisan cilmiga ah ayaa go’aansaday in uu isagu tijaabada isku sameeyo. Waxa uu u yeedhay mid ka mid ah gacanyareyaashiisii oo uu ka dalbaday in uu laf-dbabarta kaga mudo irbad sidda maaddada maandooriyaha ah ee Kookayiinta (Cocaine). Markii uu cabbaar gacanyarihiisu ku dhici waayey in uu irbaddan ku mudo, inta uu cadhooday ayaa uu kacay oo irbaddii uu ku muday gacanyarihii. Waxa taas ka sii darnayd Peirre Auguste si uu u hubiyo in fikirkiisii shaqeeyey oo uu dareenku ka tegey cagaha gacanyarihiisa uu dhabarka ka turqay, waxa uu soo qaatay haash baxaya oo uu ku gubay cagihiisa, haddana markii uu arkay in aanu dareemayn ayaa uu soo qaatay madaraq bir ah oo uu haddana cagaha kaga dhuftay. Sidaas ayaa aanu Peirre-Auguste ku waayey gacanyarihiisii oo dhintay iyo shaqadii oo laga eryey.