Saynisyahannada Shiine Ah Oo Sheegtay ?n Coronavirus Uu Halis U Yahay ?n Nolosha Adduunka Oo Dhan

0
649

Saynisyahannada Shiine ah ayaa dawladda Shiinaha ku eedeaysay in ay si badheedh ah muddo u qarinaysay jiritaanka Coronavirus oo dillaacay bishii Diisambar ee sannadkii 2019 kii. Khabiiran oo bilo ka hor ka baxsataygobalka Hongkong ee dalka Shiinaha kaddib markii ay ka baqatay in dawladdu ay dabagasho ayaa sheegtay bilowgiiba ay Fayraskan ku baraarugtay laakiin masuuliyiin dawladda ka tirsan oo ay u sheegtay ay isku dayeen in ay aamusiiyaan. Li Mingyan oo ka tirsanayd maxadka kuliyadda caafimaadka guud ee jaamacadda Hong Kong oo ka mid ah shaybaadhada ay hay’adda caafimaadka adduunku xogtooda qaadato ayaa waraysi ay siisay shabakadda FOX News waxa ay ku sheegtay in ay dawladda Shiinuhu ay xeeldheereyaal shisheeye ah iyo kuwo ka socday Hong Kong oo ka tirsan dalweynaha Shiinaha ay u diiday in ay baadhis arrintaas ku sameeyaan.

Haweenaydan ayaa sheegtay in dawladda Shiinuhu ay xanuunkan qarinaysay illaa 9-kii Jeenaweri 2020 kii oo ay hay’adda caafimaadka adduunku shaacisay in uu Fayraskani xanuun daran ku keenay dadka qaar, laakiin ay ku tilmaamtay Fayras aan si fudud u faafayn, iyada oo soo xiganaysa dawladda Shiinaha.

Li Mingyan waxa ay sheegtay in markii la gaadhay badhtamihii bishii Jeenaweri ay mar kale dib ugu noqotay masuulkeedii shaqada laakiin uu uga digay in ay ka gudubto waxa uu ugu yeedhay khadka cad, isaga oo uga jeeday in aanay arrintan faafinteeda dawladdu doonayn sidaas awgeed lala xisaabtami doono haddii aanay iska aamusin. Masuuljkan ayaa Li u sheegay haddii aanay arrintaas ka aamusin in ay dhibaato cagaha la geli doonaan, halisna u yihiin in adduunyada dusheedaba laga waayo.

Hore ayaa ay dawladaha reer galbeedku dalka Shiinaha ugu dhaliileen in uu xanuunkan jiritaankiisa muddo qarinayey, isla markaana xogtiisa aanu la wadaagin, labadaas arrimood oo fududayn lahaa in laga gaashaanto faafitaankiisa iyo in dawo si dhaqso ah loogu raadiyo.