Mar kale waxa ay xusuus qorkeeda ku tidhi, “Waxaa inta badan la i weydiiyaa, goorta iyo sida aan muslimadda ku noqday? Waxa keliya ee aan ku jawaabay waxa uu noqday, in aanan garanayn daqiiqaddii ay xaqiiqada islaamku qalbigayga ku dhex dillaacday. Waxa ay u muuqataa in aan weligayba muslimad ahaa” ayaa ay tidhi.
Lady Evelyn Murray oo ay saaxiibbadeeda carbeed u yaqaanneen Layd Saynab, markii ay diinta Islaamka qaadatay waxaa aad u xumaaday xidhiidhkii ay la lahayd qoyskeeda, waxa aanu sababay in ay saygeedii kala tagaan. Laakiin caqabadahaasi kama ay hor istaagin ku dheggenaanteedii diinta Islaamka, sida oo kale waxba kama ay beddelin hab nololeedkeedii ku salaysnaa safarrada dal marnimada ah ee ay adduunka ku mari jirtay.
Sannadkii 1933 oo ay da’deedu 65 sano jir ahayd Marwo Saynab waxa ay tagtay xaramka oo ay soo gudatay waajibaadka Xajka. Waxa aanay noqotay gabadhii ugu horreysay ee muslimad asalkeedu Ingiriis yahay ee gudata waajibaadka xajka.
Marwo Saynab waxa ay safarkaas xajka ka qortay kitaab ay u bixisay, “Xajkii Makah”. Waxa ay kaga warramaysaa faahfaahinta safarkeedaas barakaysan, iyo dareenkeeda la xidhiidha tan iyo markii ay maqashay in loo ogolaaday xajka illaa markii ay gudatay waajibaadkaas. “Maanta waxaa I soo gaadhay war la iigu sheegayo in ay ii bannaantay in aan tago xajka magaalada Makah iyo booqashada magaalada barakaysan ee Maddiina Almunawara. Muddo dheer ayaa aan xaalado is bed-beddel nololeed ah ku soo noolaa, rejo iyo quus ayaa aan u dhexeeyey. Illaa aan gaadhay heer aan ka shakiyo in riyadayda runta ahi mar uun rumoobi doonto” ayaa ay Saynab ku tidhi buuggeeda.
Garanuugtu ha dul marto xabaashayda
Marwo Saynab sannadkaa ay soo xajtay sannadkii xigay waxa ay sii ambaqaaday socdaalladii dhul barashada ahaa ee ay dunida ku gaalaa bixin jirtay. Waxa ay markan tagtay dalka Kenya, hal sano kaddibna waxa ay qortay buug ay kaga warramayso safarkaas oo ay u bixisay, “Kenya dhulkii is moodsiiska”
Sannadkii 1963 ayaa ay geeriyootay Marwo Saynab oo markaas 95 sano jir ahayd. Waxa aanay dardaarantay in lagu aaso taag fog oo ka mid ah taaggga Westeros Heights ee Scotland. Dardaarankaas ahaa in gaar loo aaso ayaana loo fuliyey.
Sida uu ku warramay wargeyska ‘The Gurdian’ ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, Saynab waxa kale oo ay dardaarantay in suuradda Qur’aanka Kariimka ah ee ‘A-Nuur’ laga akhriyo munaasabadda aaskeeda. Sida oo kale intii aanay dhiman waxa ay gacanteeda ku xaradhay boodh yar oo ay si farshaxan ah ugu qortay aayado ka mid ah suuradda A-Nuur, looxaas oo laga dul taagay qabrigeeda. Dhammaad.