Taariikhdii Addoonsi Ee Maraykanka Ka Dhacday: Run Aan Dugsiyada Lagu Dhigin

0
225

Maqaal uu dhowaan qoray wargeyska New York Times ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa ka warramay qaybo ka mid ah taariikhda addoonsigii ka dhacay dalka Maraykanka, waxa aanu si gaar ah hoosta uga xariiqay qaybo ka mdi ah dhacdooyinka aanay weli ka warramin taariikhyahannada Maraykanka ama aan lagu darin manhajnka waxbarasho ee dugsiyada iyo jaamacadaha.

Maria Elliott, oo ah cilmibaadhe ku xeeldheer taariikhdii gumaysiga ayaa maqaalkan ay wadajirka u qoreen qoraaga Yasmine Hagis, waxa ay ku sheegeen in Afar boqol oo sano kaddib markii addoontii Afrikaanka la keenay gobalka Virginia ee dalka Maraykanka, in aanay dadka Maraykanka ah badankoodu weli si buuxda uga warqabin addoonsigaas.

Sheekooyinka uu maqaalkani qorayo waxaa ka mida h dooni laga lahaa Burtuqiiska oo sidday shixnad addoon ah waqti ka mid ahaa sannadkii 1619 kii oo ka soo gudbi gaadhay badweyntga Atlaantiga. Addoontaas waxaa laga keenay dalka angola ee koonfurta galbeed ee Afrika.

Labada waxa ay maqaalkan ku sheegeen in ragga, dumarka iyo carruurta addoonta ahaa ay la kulmeen silic iyo ciqaab aad u argagax badan oo sababtay in kala badh dadkaasi ay jidka ku soo dhinteen. Doonidan addoonta siday waxaa badda ka helay budhcad badeed Ingiriis ahaa oo iyaguna badweynta u geli jiray in ay dhacaan doonyaha addoonta sida, si ay iyagu u kaxaystaan addoontaas. Dadkaas addoonta ahaa waxaa loo adeegsan jiray beer qodaal qasab ahaa. Gaar ahaan beeraha cudbiga iyo buuriga oo qaar badan oo ka mid ahi ay shaqadaas adag iyo daryeel la’aanta awgeed u dhiman jireen. Heerkulka aadka u sarreeyey ee dadkani la kulmi jireen, harraadka, gaajada iyo gacan ka hadalka lagula kici jiray inta ay saaran yihiin doonayaha lagu raro iyo marka lagu shaqaysanayo ayaa ka mid ahaa sababaha ugu badan ee dhimashada keenaysay. Labada qoraa waxa ay sheegeen in dad lagu qiyaasayo 12 Milyan iyo badh rag, haween iyo carruur Afrikaana ah loo kala iibsaday addoon ahaan, iyada oo laga tallaabiyey badweynta Atlaantigga. Ganacsigii addoontaas ay carruurtu boqolkiiba 26 ka ka ahayd, oo qudhooda la kala iibsanayey ama shaqooyinkooda la kala kiraysanayey ayaa la aaminsan yahay in uu Maraykanka woqooyi ka abuuray dhaqdhaqaaq ganacsi oo si aad ah loo dareemayey.

Maqaalkani waxa uu sheegay in sababta sii xumaysay xaaladdu ay tahay wadaadadii masiixiga ahaa ee xilligaas oo fatwoonayey in addoonsigu uu sax yahay. Tusaale ahaan Kaniisadda Kaatoligga ee Roomaaniya ayaa qayb libaax ka qaadatay. Baaderigii Nicholas V ayaa sannadkii 1455 kii, ayaa bortuqiiska xaq diineed u siiyey in ay qabsadaan isla markaana boobi karaan cidda ay doonaan oo ay addoon ka dhiganayaan. Waxaa iyaduna addoonsiga sii dhiirrigeliyey dawlado reer Yurub ahaa oo soo saaray sharciyo ogolaanaya addoonsi ku dhisan isirka dadka.

Maqaalkani waxa uu xusay in ganacsiga addoontu uu kaniisadda iyo dalalka Yurub u ahaa awood siyaasadeed, hanti iyo sarrayn bulsho. Arrimaha arxan darrada ah ee dhici jirayna waxaa ka mid xeerkii Virginia ka soo baxay sannadkii 1662 kii ee dhigayey in ilmaha ay wadato hooyada addoonta ahi uu la xaal yahay uun hooyadii, taas oo macnaheedu yahay in haweenka addoonta ahi ay dhalaan addoon kale oo laga ganacsan karo. Waxa kale oo xeerarkaas ka mid ahaa kuwo kala saaraya isirka iyo midabka addoonta oo dhigaya in qaarkood muddo cayiman la addoonsan karo, laakiin Afrikaanka ayaa iyagu mar walba ahaa kuwa ay xeerarkaasi dhigayeen in ay abidkood addoon ahaadaan.