Rabashadaha Ka Socda Dalka Itoobiya Oo Saamayn Ku Yeeshay Somaliland

0
628

Hargeysa (Geeska)-Rabshadaha ka socda Itoobiya, ee ka kacay fanaanka ka soo jeeda Qoomiyada Oromada  Haacaaluu Hundeessaa oo lagu dilay Addis Ababa ayaa samaayn ku yeeshay ganacsiga Qaadka ee Somaliland.

Qaadka oo Somaliland uga yimaadda dalka Itoobiya gaar ahaan Deegaanada Qoomiyadda Oromada, ayaan shalay gabi ahaanba soo galin dalka, inkasta oo meelo ka mid ah Suuqa lagu arkayey Dad iibinaya Qaad hore u yaallay iyo Qaadka gudaha Somaliland ka baxa ee loo yaqaanno Waddaniga.

Dhanka kale, Marahedaha suuqyada Magaalooyinka Somaliland ayaa shalay la buux-dhaafiyey, gaar ahaan Huteellada Cuntada laga cuno ayaa Mashquul noqday.

Dalka Itoobiya, gaar ahaan Caasimadda Addis Ababa ayaa waxa saddexdii Maalmood ee u dambeeyay ka socday Rabshado ay dhigayaan Dad ka soo jeeda Qoomiyadda Oromada, kuwaasi oo ka cadhaysan dil loo geystay Fanaan Qoomiyadda ka soo jeeda oo Addis Ababa lagu toogtay, halka Magaalooyinka kale ee Qoomiyaddaasi ka degto Itoobiyana uu ka jiro dhaqdhaqaaq xooggan oo xidhiidh la leh ka Addis Ababa.