Sayladda Iibka Dumarka Calaf Doonka Ah

0
1157

Sofia (Geeska)- Kumaan hablo ah oo u dhashay dalka Bulgaria ayaa sannad kasta hal mar isugu yimaadda suuq furan oo loogu talo galay lagu iibiyo hablahan oo calaf doon ah. Waxaa loo soo xidhaa dhar aad u qurux badan iyo Dahab ama dheeman aad u qaali ah, iyaga oo koox koox ah oo mid kasta ay labadeeda waalid la socdaan ayaanay istaagaan barxadda weyn ee sayladdan sannadlaha ah. Hablahani waxa ay sayladdan imanayaan ama la keenayaa iyaga oo si aad u qurux badan loo soo dhisay, loona soo xidhay toobabka caruusyada, waxa aanay mid kastaa niyadda ku haysaa in ay hesho nin ka iibsada qoyskeeda oo ay oori u noqoto.

Mid ka mid ah hooyooyinka hablahooda sannadkan keenau sayladda ayaa tidhi, "Hablahayaga ayaanu keennaa suuqan, si ay fursad ugu helaan in ay bartaan wiil dhalinyaro ah oo ay is guursadaan, sababta aanu sidan u yeelaynaa waa annaga oo aan doonayn in aanu aragno hablahayaga oo calaf raadis u tegaya kilaabada iyo goobaha lagu caweeyo" Sayladdan oo sannadkiiba hal mar la furaa waxa ay ku taallaa tuule la yidhaahdo Stara Zaquar. Hablaha suuqan la keenaa waxa ay u kala qaalisan yihiin sida ay u kala quruxsan yihiin, gabadha quruxda badanna waxa uu qiimaheedu gaadhaan lacag ku dhow 10 kun oo doolarka Maraykanka ah. Marka aad tagto waxa aad la kulmaysaa rag badan oo qudhoodu suuqan u yimi si ay uga xushaan gabadha ay guursadaan, waxa aad arkaysaa carruur badan oo u timi in ay cunaan kuna ciyaaraan hadyadaha iyo cuntooyinka goobta lagu qaybinayo marka inan ka mid ah hablahan isla goobta lagu xusho laguna meheriyo.

Dhaqanka bulshooyinka reer miyiga ah ee Bulgaria ayaa ay tahay in qoysku hablihiisa ilaaliyo si aanay u bixin xumaanna looga dhawro kadib sannadkiiba mar qoys waliba sayladdan ayaa uu keenaa wixii hablo u qaan gaadhay oo la isugu keeno Sayladda aroosadaha, rag badan oo guur doon ah ayaa suga xilliga ay sayladdani furmayso si ay uga xushaan gabadhii ay guri la dhisan lahaayeen.