Madaxweyne Siilaanyo Iyo Danjire Nicholas Kay Oo Kulankoodii Ka Dib Hawada Isu Mariyay Weedho Siyaasadeed Oo Ay Kala Fogaansho Ka Muuqato

0
559

Picture9Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya danjire Nicholas Kay, ayaa hawada isu mariyay hadalo kooban oo loo arko inay si aan toos ahayn isugu jawaabayaan. Danjire Nicholas Kay, ayaa qoraal kooban oo uu geliyay barta uu ku leeyahay twitterka 22 August, wuxuu ku sheegay in safar toddobaad qaatay oo uu ku tagay Somaliland, Puntland Kenya iyo Itoobiya ay uga soo baxday inay dhammaantood taageerayaan nidaamka federaalka Somaliya. “Booqasho toddobaad ah oo aan ku soo maray Puntland, Somaliland, Itoobiya iyo Kenya. Dhammaantood waxay taageerayaan nidaamka federaalka ee Somaliya, la shaqaynta Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika iyo ololaha ka dhanka ah argagixisada.” Sidaas ayuu Mr. Nicholas Kay ku yidhi qoraalka kooban ee uu bartiisa twitterka ku baahiyay.

Hase yeeshe Madaxweyne Siilaanyo, ayaa laba maalmood ka dib, waxa ka soo baxa baxay qoraal u muuqda inuu jawaab u yahay weedhaha ergayga Qaramada Midoobay.  Qoraalka habeen hore  la geliyay barta uu Madaxweyne Siilaanyo ku leeyahay twitterka, ayaa waxa lagu sheegay inaanay Somaliland marna ogolaan doonin inay UNSOM xafiis siyaasadeed ka furato Somaliland, balse ay Somaliland Qaramada Midoobay kala shaqaynayso arrimaha horumarka. “Somaliland waxay sii wadaysaa inay la shaqayso qaramada midoobay, gaar ahaan dhinaca horumarinta a. Si kastaba ha ahaate Somaliland hoy uma noqon doonto xafiiska siyaasaddda ee UNSOM.” Ayaa lagu yidhi qoraalka la geliyay twitterka Madaxweyne Siilaanyo.

Hadalada uu ergaygu ku qoray twitterka ayaa laga dhadhansan karaa inuu socdaalkii uu ku yimid Hargeysa toddobaadkii hore uga faa’iidaystay siyaasad kale oo  la xidhiidha shaqadiisa federaalka, waxaanu u muuqdaa inay farriintiisu ku socoto cid gaar ah. Hadalka Madaxweynaha ayaa isna waxa ka muuqda inuu soo baxay markii la arkay weedhaha danjire Nicholas Kay, waana sababta uu Madaxweyne Siilaanyo u xaqiijinayo in xafiiska UNSOM ee qaabilsan siyaasadda aanay Somaliland marti gelin doonin.