Saxafiyad La Hadal Hayey In Ay Diidday Nin 25 Milyan Oo Meher Ah U Soo Bandhigay, Ayaa Beenisay Warkaas

33
3168

Khartuum (Geeska)- Warfidiyeenka caanka ah ee reer Suudaan Aalaa’ Al-mubaarak oo ku magacdheer Luushi ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadashay warar maalmihii u dambeeyey warbaahintu isla dhex maraysay oo sheegaya in ay diidday nin u dhashay dalka Sucuudiga oo u soo bandhigay meher dhan 225 milyan oo riyaalka Sucuudiga ah una dhiganta Lix Milyan Lix boqol iyo lix iyo lixdan doolar (6’666’750).

Luushi oo ka hadashay warkan ku faafay dunida oo dhan ayaa caddaysay in uu yahay war aan sal iyo raad midna lahayn, oo iska ahaa uun dacaayado dad ujeedooyin gaar ahaa lahaa ay ku faafiyeen baraha bulshadu ku kulanto ee internet ka. Aalaa’ Almubaarak (Luushi) waxa ay sheegtay in arrinta kale ee ka yaabisay ay tahay in dadkii ka faalloonayey dacaayaddan baraha bulshada lagu faafiyey ay qaarkood oo iska dhigaya in ay xog buuxda ka hayaan Ruushi ay qorayeen faallooyin ay ku sheegayaan in markii dambe ay aqbashay guurka maalqabeenkaas.

Luushi ayaa sheegtay in ay go’aansatay inay runta caddayso, kaddib markii ay aragtay warkan iyo sida uu u faafay iyo weliba faallooyinka kala duwan ee laga bixinayo, gaar ahaan weerarro ba’an oo qof ahaanteeda lagu qaaday, oo ay xitaa dadka qaar wax ka sheegeen jinsiyaddeeda Suudaaniga ah iyaga oo ka xun in ay diiddo nin khaliijka u dhashay. Wax aaanay sheegtay in warkaasi uu been abuur yahay oo aanu jirin nin Sucuudi ah oo soo doonay, kaddibna tay diidday.

Laakiin dhinaca kalana waxa ay si cadho leh ugu jawaabtay kuwa wax ka sheegay jinsiyaddeeda Afrikaanka ah, iyada oo sheegtay in ay ku faanayso Suudaaninimadeeda, oo weliba aanay guursan doonin nin aan Suudaani ahayn.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Russia today, ayaa sheegay in Luushi oo inta badan aad wax ugu qorta baraha bulshada, hadallada ay qortaana ay noqdaan kuwo si xawli ah u faafa oo qeliba inta badan muran kiciya, ayaa ku doodday in aanay garanayn sababta waxa ay baraha bulshada ku qortaa uu buuqa u dhaliyo, iyada oo ku adkaysatay in ay nolosheeda si xorriyad buuxda ah ugu nooshahay, ujeedo gaar ahna aanay lahayn, laakiin wax kasta oo ay qorto ay dadku meel kale ula kacaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here