Dhakhaatiir Diiday In Mushaharka Loo Kordhiyo, Dawladdana Ka Codsaday In Lacagta La Siin Lahaa Lagu Caawiyo Bukaanka Iyo Horumarinta Caafimaadka

28
3114

Ottowa (Geeska)- boqollaal dhakhaatiir guud, dhakhaatiirta takhasusyada kala duwan leh, iyo sida oo kale arday caafimaad ayaa saxeexay warqad ay ku diiddan yihiin in mushaharkooda la kordhiyo, iyaga oo taas beddelkeeda codsanaya in lacagta a siin lahaa lagu caawiyo kalkaalisooyinka caafimaadka iyo bukaanka u baahan. “Waxa aanu ka soo horjeednaa mushar kordhinta ay dhowaan samaysay waaxdayada caafimaadku” ayaa ay dhakhaatiirtani ku yidhaahdeen warqadda ay saxeexeen.

Dhakhaatiirtani waxa ay sheegeen in ay ka cadhaysan yihiin in lacagta mushaharka loo kordhiyo, halka kalkaalisooyinkii iyo hawlwadeennadii kale ee caafimaadkana culays shaqo oo dheeraad ah la saaray, bukaankiina adeeggii ay heli jireen hoos u dhaceen, miisaaniyad dhimista ay dawladdu ku samaysay adeegga caafimaadka dadweynaha.

Dhakhaatiirta oo warqaddan kaga hadlayey dareenkooda ku aaddan mushahar kordhinta loo sameeyey ayaa waxa ay qoraalkan ku yidhaahdeen, “Mushahar kordhiimahani, waa kuwo amakaag ah, waayo kaalkaaliyeyaashii caafimaad ee nala shaqaynayey, hawlwadeennadii iyo xirfadlayaashii kale, dhammaantood xaalad aad u adag oo dhaqaale ayaa ay ku jiraan, waxaa intaas dheer in bukaankayagii ay la noolyihiin xaalad aanay heli karin adeeggii ay u baahnaayeen, waxaas oo dhan sababtooduna ay tahay, kharash dhimista ba’an ee sannadihii u dambeeyey la samaynayey iyo awooddii hawlaha caafimaad oo wasaaradda caafimaadka lagu soo ururiyey”

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee CNBC ayaa intaas ku daray in dalabka ay dhakhaatiirtu dawladda u soo jeediyeen waxa uu noqday, “Waxa aanu dalbanaynaa, in la joojiyo mushahar kordhinta dhakhaatiirta loo sameeyey, dhaqaalaha caafimaadka loo qoondeeyeyna si fiican loogu qaybiyo hawlaha wanaajinta caafimaadka iyo daryeelka shaqaalaha caafimaadka, si ay dadka u siiyaan adeeg caafimaad ku habboon”

Warbixin uu sannadkii 2017 ka soo saaray maxadka xogta caafimaadka ee dalka Canada ayaa sheegtay in sannadkii 2016 ka uu celcelis ahaan dhakhtarka reer Kanada ah dakhliga soo galay uu ahaa 260,924 doolar. Warbixinta waxaa lagu sheegay in lacagtaasi ay tahay marka la xisaabiyo mushaharka la siiyey dhakhaatiirta oo keliya, ee aan lagu darin kharashaadka dul-socodka ah ee ay helaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here