Saxafi Sheegay In Aanu Gadhka Iska Xiiri Doonin Illaa Dalkiisa Oo Colaado Sokeeye Ka Socdaan Nabad Noqdo

0
658

Juba (Geeska)- Saxafi u dhashay dalka Koonfurta Suudaan ayaa markii ugu horreysay gadhkiisa xiiray markii dhowaan dalka Koonfurta Suudaan dhinacyada siyaasadda ee dagaallada sokeeye horseeday kala saxeexdeen heshiis nabadeed, kadib markii hal sano oo ay colaado socdeen aanu gadhka xiirin, isaga oo sida uu sheegay ka dhigay mudahaarad uu nabad ku doonayo.

111

Laakiin markii hadda mar kale ay colaadihii dhowaan qarxeen ayaa uu Abrahaam Maliik dib u bilaabay in aanu gadhka iska xiirin isaga oo ay arrintan ku wehelinayaan olo’olayaal kale oo ay kooxo dhalinyaro ahi habab kala duwan ku muujinayaan dareenkooda nabad raadineed, iyaga oo ku kacaya ficil kasta oo ay u arkaan in dhinacyada is haya ay culays ama ku xumaanshiyo ku abuuri karaan si ay nabad u qaataan.

Abraham Maliik oo tifatire ka ah wargeyska Sawt Shacab oo afka Carabiga ku baxa ayaa mar uu dhowaan la hadlay Aljazeera oo Geeska Afrika warkan ka soo xigtay waxa sheegay in gadhka oo la iska xiiri waayo dhaqan ahaan dalkaas fool xumo looga yaqaanno, sidaa awgeed gadhka uu la baxay uu ku sababtay in dad badani ay ka shakiyaan in uu u leeyahay dulqaad uu ku sii adkaysan karo haddii nabadda waqtigeedu fogaado, waxa aanu si gaar ah u xusay xaaskiisa oo uu sheegay in ay ka mid tahay dadka ka diiqadooday go’aankiisa uu gadhka kula baxay. Abrahaam Maliiiki waxa uu sheegay in dadka qaar ay ku eedeeyaanba in uu ka tirsan yahay ururka DAACISH iyaga oo keliya gadhka uu la baxay ku eersanaya. Laakiin waxa uu adaystay in aanu tallaabadan ka noqon doonin balse uu gadhkiisa deyn doono illaa nabad, walaalnimo iyo dib-u-heshiisiin buuxdaa ay ka dhex dhalato dadka dalkiisa ee qabiilka isu qoonsaday.

Colaadaha aadka u foosha xun ee tan iyo sannadkii 2013kii oo dalkaasi laba sano oo keliya qaran madax bannaan ahaa ka jiray, dadka diiddan ee siyaabaha kala duwan diidmadooda u cabbiray saxafigan oo qudha kuma balse dad badan ayaa abuuray habab bulsho oo kala duwan oo ay nabadda luntay ugu baroor diiqayaan, waxaa ka mid ah dumarka oo iyaduna muddooyinkii u dambeeyey waday ol’olayaal waaweyn oo ay si isa soo taraysa ugu midoobayaan aragti ah in ay raggooda ka dheeraadaan, macaamilka xaasnimana ka joojiyaan illaa ay colaadda joojinayaan, maadaama oo cidda furaha u ah iyo cidda xaabada u ah colaadduba ay ragga yihiin.