Dhirtu Waa Ay Wada Hadashaa Xidhiidh Ayaana Dhex Mara, Laakiin Innaga Ayaa Aan Fahmayn

0
874

Sydney (Geeska)- Hore ayaa uu Alle (SWT) Qur’aanka Suuradda 17aad ee Al-Israa ayaadda 44 inoogu sheegay in Samooyinka Toddobada Ah, Dhulka iyo waxa dhex yaalla ama cidda dhex joogtaa ay Mahadnaqa Alle ku Tasbiixsadaan, laakiin aynaan innagu fahmayn. Waa hubaal in arrimo badan oo Qur’aanka iyo shareecada Islaamka lagu sheegay qarniyo badan ka hor ay maanta kooxaha saynisku ogaadaan, ama in ay xaqiiqo tahay soo taabteen balse ku dawakhsan yihiin sababteeda cilmiga ah.  Kuwa hadda uun la ogaadayna waxaa ka mid ah in dhirtu iyada oo adeegsanaysa maaddooyin kiimikaad oo dabiici oo ay sii deyso iyo codad iyadu isku maqasho ay xidhiidho yeelato.

Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AAP oo qortay warkan uu Geeska Afrika turjumay, cilmibaadhayaal u dhashay dalka Ustareeliya ayaa baadhitaanno cilmiya oo ay sameeyeen dhowaan ku ogaaday in dhirtu ay wada hadasho, hadda kadibna aanay arrintaasi ahayn khayaali cilmiya ee ay tahay saynis la soo taabtay.

Monica Gagliano oo ka tirsan cilmibaadhayaasha ka socday jaamacadda Western Australia ee daraasaddan sameeyey ayaa sheegtay in cid kastaa hore u ogeyd in dhirtu ay qorraxda la fal-celiso, imikana  aynu ogaannay in dhirtu adeegsato maaddooyin Kiimikaad oo hawada inta ay isaga soo duusho ay ku xidhiidhaan, tusaale ahaan marka xaalad khatar ah geed dareemo oo ay ka mid tahay marka la jarayo ama caleentiisa la daaqayo in geedkaasi sii daayo maaddooyin kiimikaad oo hawada gasha oo ay dhirta ka agdhow oo dhami ku fahamto in khatari geedkaas soo foodsaartay.

Cilmibaadhayaashu waxa ay sheegeen in xidhiidhka dhirta dhex maraa aanu ku koobnayn kaas ay maaddooyinka kiimikaad isugu gudbinayso, balse sidoo kale xididka dhirta  yaryar ay soo daayaan codad mararka qaarkood gaadhaba heer uu yeesho jabaqda suul-dhabaalaha oo aad u daciif ah, kaas oo ay dhirta kale isku fahmaan. Xeeldheerayaashu waxa kale oo ay ogaadeen in xididka geedku marka uu biyaha gaadho uu u leexdo dhinaca uu ka xigo codka dhirta kale ka soo baxayaa.

Cilmibaadhayaashu waxa ay daraasaddoodan ku soo gabagabeeyeen in marka lagu daro qaababka jawaab-celinta dhirta ee la dareemi karo, sida falgalka caleenta gabbal dayaha ee ilayska qorraxda la xidhiidha in ay jiraan dareenno kale oo ay ka mid yihiin cod iyo gariir oo iyaguna kaalin muhiim ah ka qaata nolosha dhirta.