Saxafi Fashiliyey Qorshe Madaxtooyada Ruushku Ay Doonayso In Ay Dadka U Muujiso In Madaxweyne Butin Uu Aad U Mashquul Badan Yahay

0
525

1Moscow (Geeska)- Waa hubaal in madaxweyne hoggaaminaya dal sida Ruushka u miisaan badan, uu mashquul xoog ah oo joogto ahi saaran yahay, waqtigiisa firaaqaduna yar yahay, laakiin haddana marar badan ayaa ay dhacdaa in madaxtooyada iyo gacanyareyaashiisa sumcad-dhiska u qaabilsani ay dejiyaan khiyaamo u muujinaysa ruux mashquul badan oo haleelku uu ku yar yahay, si dadkiisa iyo dunidaba uu u tuso culayska hawsha uu ku fooggan yahay iyo u heellanaanta gudashada waajibaadkiisa shaqo.

Madaxweyneyaasha inta badan warbaahinta iyo dadka shaqadu ka gashaa ku tilmaamaan mashquulka aadka ah iyo cidhiidhi dhinaca waqtigiisa waxaa ka mid ah madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin, laakiin wariye lagu magacaabo Akiyoshi Komaki, oo magaalada Moosko u jooga wargeyska Jabbaan ka soo baxa ee Asahi Shimbun ayaa dhowaan mar uu u kuurgalay ogaaday khiyaamo uu sameeyo aqalka Kremlin ka ee looga taliyo dalka Ruushka oo madaxweyne Putin u ekeysiinaysa nin mashquul badan.

Wariye Akiyoshi Komaki waxa uu ogaaday in dhammaan shirarkii madaxweyne Putin galay bishii Ogosto ee sannadkan ee sawirradooda uu baahiyey aqalaka Kremlin ku in ay ka qabsoomeen hal xafiis oo keliya, weliba hal maalin ay wada qabsoomeen, laakiin lagu sheegay in ay maalmo kala duwan xarumo dawladeed oo kala duwan ka dhaceen.

Wariyahan oo ka mid ah dadka sida aadka ah indhaha ugu hayn jiray mashquulka xad dhaafka ah ee lagu sheego madaxweyne Putin ayaa mar uu xafiiskan ku yaalla madaxtooyada tegey waxa uu is barbar dhig ku sameeyey qaabka uu markaas xafiisku ahaa iyo sawirradii madaxtooyadu hore uga baahisay kulamada madaxweynaha waxa aana u soo baxay in shirar lagu sheegay in ay dhaceen 18, 23 iyo 24 ay u muuqato in ay hal maalin wada dhaceen oo weliba xitaa aanu madaxweynuhu miiska ka kicin ee ay dabada isku hayeen kulamadu isaga oo arrintaas u daliishaday qaabka waraaqaha iyo qalimaanta miiska saaran u saarnaayeen ee isku midka ah iyo xitaa sida ay u yaalleen kuraasida lagu fadhiiyey. Waxa aanu is weydiiyey sida ay ku dhici karto inta xafiiska laga rawaxay oo shay kasta la habeeyey in haddana shay kastaa sidii uu maalintii hore ahaa ku soo noqday maalintii dambe.

Arrinta xiisaha leh ee wariyahan ka hor timid balse uu jawaabta u helay ayaa ah kabaha uu xidhnaa madaxweyne Putin. Sawirradan ay madaxtooyadu faafisay ayaa muujinayey in madaxweynuhu uu kulamada oo dhan dhar isku mid ah xidhnaa, taas oo yaabkeeda leh, balse haddana maadaama oo ay dharka rasmiga ah ahaayeen (Suudh) la odhan karo waa ay isku mid  noqdeen, laakiin kabaha ayaa ahaa kuwo sawirrada shirka dhacay 22 kii bishu kaga duwan yihiin labada maalmood ee kale, halkaas oo uu wariye Akiyoshi Komaki kala soo baxay in si ula kac ah sawirro isku maalin ah madaxweynuhu kabaha u kala beddeshay si dadka loo moodsiiyo maalmo kala duwan, mashquulka madaxweynahana ay marag ugu noqoto.

Sida lagu sheegay warbixintan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay Wargeyska Washington Post, waxaa hore u fashilay khiyaamo sidan oo kale ahayd, taas oo ahayd sannadkii hore mar Putin muddo saaxadda laga yara waayey oo ay saraakiishiisa warfaafintu sheegeen in uu galay fasax aanay fasiraad dheeraad ah ka bixin, laakiin haddana ay si joogto ah u faafin jireen warar sheegaya in isaga oo fasaxa ku jira haddana uu ka fursan waayey in uu kulamo shaqo galo, waxa se ceebtu soo baxday markii warbaahinta dalkaasi ay daaha ka rogeen in sawirrada la socday kulamada la sheegay in uu madaxweynuhu galay muddadaas fasaxa ay ahaayeen sawirro toddobaad ka hor ahaa oo hore warbaahintu u heshay mar uu kulamo qaatay fasaxa ka horba. Waxa aana xilligaas soo baxay warar hoose oo sheegayey in madaxweyne Putin muddadaa uu saaxadda ka maqnaa uu galay qalniin jidh-qurxin ah.

Dmitry Peskov oo ah afhayeenka madaxweyne Putin ayaa mar uu bishii Julaay ee sannadkan warbaahinta la hadlayey waxa uu yidhi, “Waa aan ka xumahay; marka aan si cad idiinla hadlo, jadwalka hawleedka madaxweyne Putin ayaa aan eegay, waxa aana ii soo baxday in uu buuxo illaa Kowda bisha Sabtembar, xitaa maalin fasax ah ma’ laha” laakiin warbixinta wariye Akiyoshi Komaki waxa ay daaha ka rogaysaa in mashquulka xad dhaafka ah ee aqalka Kremlin ee Ruushka looga taliyaa ka sheego madaxweyne Putin uu yahay mid aan waxba ka jirin, oo looga dan leeyahay in dadka loogu sheego kartidiisa, shaqo badnaantiisa iyo caafimaad qabkiisa.