Nin Qofka Oo Nool Aasaya Si Uu Uga Daweeyo Baqdinta Aan Caadiga Ahayn Ee Geerida Iyo Mugdiga

0
599

1Mosco (Geeska)- Waa hubaal in aadamuhu ka siman yahay cabsida uu ka qabo geerida, mar kastana cabsidaasi ma’aha wax xun ee mararka qaarkood waa loo baahan yahay si qofka iimaankiisa ay u xoojiso, xaqiiqada hortaallana uu ugu qancon, laakiin waxaa jira cabsi xad dhaaf ah oo dadka qaar lagu arko, taas oo xitaa mararka qaarkood gaadha heer ay caqabad ku noqoto wadashada hawlmaalmeedkiisa. Waana xaalad ay khubarada cilminafsigu aaminsan yihiin in ay tahay cudur nafsadeed oo afka cilmiga lagu yidhaahdo Necrophobia oo ka kooban ereyga Necro oo ah maydka iyo Phobia oo sas ama didmo ah, siyaabo kala duwan ayaana ay dhakhaatiirta nafsigu ula tacaalaan dadka xaaladdan oo kale ku dhacdo.

Dhahtar dhaqameed u dhashay Ruushka ayaa dhowaan soo saaray hab cusub oo uu sheegay in uu ku dawaynayo dadka uu cudurkani hayo, kaas oo ah in uu nolosha ku aaso qofka cudurkan qaba, isaga oo ku andacoonaya in waxa ugu badan ee qofka cabsidan ku keenay uu yahay masiirka dhimashada kadib uu ku dambaynayo oo inta badan aasidda ah, markaa loo baahan yahay in aasidda lafteedaba la mariyo, si aanu uga baqan.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska Mirror ee dalka Ingiriiska ayaa sheegaya in ninkan dhakhtarka sheeganaya oo dhalinyaro ah xaruntiisa loogu tegeyo dad bukaan ah oo safaf dhaadheer ugu jira in ay gacantooda ku qotaan xabaasha, kadibna inta sanduuqa maydka lagu lagu aasayo, kuna jirayaan saacad aan la aqoonin inta uu ku qiyaasanayo oo dhakhtarkaas goobta joogaya oo qudhi og yahay, markaa kadibna dib looga soo faqayo.

Daweyntan oo qofka laga qaadayo lacag ku dhow Konton doolar ayaa ay dad badan oo xaaladdan qabaa ay safaf dhaadheer u galeen dalka Ruushka, Sergey Volkov oo ah ninka fikirkan keenayna waxa uu aaminsan yahay in daweyntiisani ay xitaa dabiibayso dadka saska ka qaba mugdiga / ka baqa gudcurka.