Saxaafadda Oo Hambalyo U Dirtay Wasiir Cabdilahi-Cukuse

0
667

Picture1Saxaafadda madaxabanaan ee Somaliland waxa ay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa Wasiirka cusub ee warfaafinta Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), oo ah saxafi ruug-cadaa ah oo muddo dheer ku soo dhex jiray warbaahinta.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, magacaabista uu Cukuse u magacaabay wasiirka warfaafintu waa mid timid wakhtigii ku haboonaa. Wasiirka cusub ee Warfaafintana waxaanu ka rajaynaynaa inuu noqon doono masuul wax ka qabta baahiyaha kala duwan ee saxaafadda, maadaama oo uu muddo dheer ka tirsanaa, annagoo ka rajaynayna inuu wada shaqayn wanaagsan la yeelan doono.

Mar kale, warbaahinta madaxabanaani waxay Alle uga baryaysaa inuu xilkiisa u fududeeyo wasiirka Cabdillaahi Maxamed Daahir.