“Wadahadaladii U Dhexeeyey Xaqsoor Iyo Xukumada Waxaa Ka Baxay Dhinacii Xukumada”

1
3302

Picture2Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha ururka Xaqsoor Md. Xasan Ciise Jaamac, ayaa sheegay inay xukuumadu ka baxday wada hadaladii u dhexeeyay ururka Xaqsoor iyo xukuumadda.

Warsaxaafadeed uu xalay soo saaray wuxuu kaga hadlay laba xubnood oo ka tirsanaa madaxda Xaqsoor oo lagu daray xukuumadda Somaliland, kuwaas oo uu sheegay inaanay magacaabistooda waxba ka weydiin hoggaanka ururka.

Warsaxaafadeedka uu Xasan Ciise soo saaray wuxuu u dhignaa sidan: “Ka dib marKii uu gudigii laba geesoodka ahaa ee wadahadalada ku jiray uu isla soo qaaday qodobo guud ayaa  ururka xaqsoor ku dhawaaaqay inay diyaar u yihiin wareegii labaad ee loogu gelilahaa tafaasiisha qodobada guud, hadii laga helo dhinaca xukumada.  Iyada oonay xukumadu kasoo jawaaabin soo jeedintaas ayay imika magacowday Wasiir iyo Wasiirudawle ka tirsanaa hogaanka xaqsoor ayaga oon magacaabistooda waxba ka waydiin hogaankii ururka.

Shicibka Somaliland waxaan u sheegaynaa in ururka xaqsoor daacadnimo ku galay wadahadaladaas.  Waxaan ogolaanay inaanu la hadalno xukumada ka dib markii ay ayagu ku taliyeen inaanu wada hadalo yeelano.   Waxaanu sidaas u yeelay anaka oo dadka iyo dalka la jecel isafgarad iyo horumar iyo anaka oo ka cararaynay in naloo sawiro urur garmaqaate ah.  Waxa se noo muuqatay inaanay xukumadu daacad ka ahayn wadahadalada.   Imika xukumadu talaaabadan, magacaabida waxay ku cadaysay  inay ka maarantay heshiis dhamaystiran ooy la gasho ururka xaqsoor.

Waxaanu halkan ku cadaynaynaa  mar kale, inaan Xaqsoor cidi uga lexejeclo badnayn Somaliland oonu sidii hore iyo si kasii wanaaagsan ugu sii shaqayndoono midnimada, sharafta, cadaalada iyo xaqsoorka iyo horumarka dadka iyo dalka qaaliga ah ee Somaliland.”

Comments are closed.