Sawirro Qaddiimi Ah Oo Laga Dhex Arkay Hummaag Bani’aadam Oo Dad Badani Aamineen Inuu Rooxaan Yahay

0
1320

1Washington (Geeska)- Waa qaybtii labaad ee qormadii aynu kaga warramaynay muuqaallo hal-xidhaale noqday oo laga dhex arkay sawirro madow iyo caddaan ah oo la qaaday qarnigii tegey. Muuqaalladaas dadka u eeg oo ay dad badan oo reer galbeed ahi aaminsan yihiin in ay yihiin mayti hore oo rooxaantoodu soo daahirtay.

Biriishkii Rooxaanta ee Kentucky:

Askari Maraykan ah ayaa sannadkii 1960kii xaaskiisii ku dilay degmo yar oo Oak Grove la yidhaahdo kana tirsan gobalka Kentucky ee dalka Maraykanka, kadibna waxa uu maydkeeda ka tuuray biriish degmada ku yaalla.

Sida ay dadka deegaanka ee degmadani sheegeen intii ka dambaysay falkaas foosha xun waxaa biriishkan lagu arkay muuqaal aan hore loogu aqoon oo ah in habeenkii uu ka soo daahiro hummaagga gabadh dul socota meel ka mid ah biriishka dushiisa. Muuqaalkaas oo ay dadku sheegeen in uu aad ugu eeg yahay ruux dumar ah, ayaa dadka deegaankan ku beeray in uu ka turjumayo rooxaanta gabadhii uu saygeedu gardarrada ku dilay, kadibna xitaa maydkeeda in uu aaso uu u quudhi waayey ee uu biriishkan ka tuuray.

Arrinta kale ee yaabka leh ayaa ah in sida ay dadka tuuluhu sheegeen haddii habeen adiga oo gaadhi wata oo biriishkan ka tallaabaya uu gaadhigu kaa bakhtiyo ama adigu bakhtiiso, wax kasta oo aad samayso in aanu mar dambe gaadhigaasi kuu istaadhmayn illaa gaadhiga oo bakhtiisan laga riixo biriisha oo marka la dhaafiyo uu istaadhmayo ama inta uu waagu baryo oo weliba ay qorraxdu soo baxayso aad sugto, markaas oo uu istaadhmayo. Waana arrin qudheeda biriishkan lagu arkay intii ka dambaysay dilka uu askarigu u geystay xaalkiisa.

Biriishkan oo markii dambe loo bixiyey biriishka rooxaanta waxaa laga qaaday sawirro caddaan iyo madow ah oo si fiican looga dhex arkayo humaagga ruuxa dumarka ah u eeg ee dul maraya biriishka.

Cisbitaalkii rooxaanta iyo kalkaaliso Mari:

Halkanna waxaa kaaga muuqa sawir kale oo madow iyo caddaan ah, waa dhisme tobannaan sano ka hor ahaan jiray cisbitaal caan ah oo ku yaalla gobalka Kentucky ee dalka Maraykanka, waxaa lagu daweyn jiray dadka uu ku dhaco cudurka qaaxadu, ka hor intii aan la baran daweynta casriga ah. Berigaas oo hababkii qaddiimiga ahaa ee uu cisbitaalkani wax ku daweyn jiray ay ka mid ahaayeen in qofka qorrax badan jidhkiisa loo dhigo, iyo habab kale oo dhaqameed, laakiin haddana sida ay taariikhdu ka marag-kacday dadka uu ku dhaco cudurkan boqolkiiba 5 keliya ayaa ka kici jiray.

Dadka bukaanka ah ee inta ehelkoodu cisbitaalkan keeneen ay iskaga tageen, kadibna boqolkiiba 95 u dhimanayey cudurka qaaxda oo aad u tiro batay awgeed waxaa dhacday in qaar badan oo ka mid ah la aasi waayo, waxa aana la aaminsan yahay in maydadka si arxan darrada ah loogu tuuray biyo-dhacyada, biriishyada hoostooda iyo kaymuhu in ay tiradoodu kor u dhaaftay 8 kun.

Aakhirkii cisbitaalkan waxaa la xidhay xilligii ay soo baxday dawada Antibaayootiga (Antibiotic), laakiin waxaa illaa maanta laga aaminsan yahay in cisbitaalka iyo deegaanka ku dhowba ay weli ku wareegayso rooxaanta dadkii ku le’day cisbitaalkan, oo ay ugu caansan tahay caansan tahay kalkaaliso caafimaad oo lagu magacaabi jiray Mari. Gabadhan oo cisbitaalka ka halwgeli jirtay ayaa la sheegay in intii uu cisbitaalku weli shaqaynayey, maydkeeda laga helay mid ka mid ah qolalka cisbitaalka oo ay isku dhex deldeshay, kadib markii ay ogaatay in ay uur aan sharci ahayn u siddo mid ka mid ahaa dhakhaatiirta cisbitaalka.

Muqaalka humaagga ah ee laga arkayo sawirro laga qaaday cisbitaalkan kharaabadda noqday oo u eeg gabadh uur leh, oo derbi ka mid ah qolalka cisbitaalka dabada gelisay, ayaa dadka deegaanku ay ku tilmaameen sawir aad ugu eeg gabadhii kalkaalisada ahayd oo la aaminsan yahay in uu qudheeda cisbitaalkan dulmi kaga dhacay, in kasta oo uu ka duwanaa dulmiga lagula kacay dadka dawada fiican la siin waayey ee markii ay dhinteenna maydkooda bannaannada lagu daadiyey. Sawirka gabadhan kalkaalisda ahayd ayaa ah kan la socda qormadan ee dhinaca bidix kaga dhejisan sawirka cisbitaalka ee isagana uu ka dhex muuqdo humaagga rooxaanta lagu sheegay.