Waa Maxay Sababta Ay Xukuumada Soomaaliland Iskaga Indhatirto Beelaha Gabooye Ee Gobolada Bari ?Prof. Hussein Harun Salad Beerside & Aqoonyahan. Maxamed Siciid Idiris ( cali xaydh )

0
845

Uguhorayn illaah baa mahad leh waxaanu siwada jira ugu mahad celinaynaa saxaafada madaxa manaan, sidoo kale waxaanu umahad celinaynaa bulsha waynta reer soomaaliland dal iyo dibadba sida hormarka iyo nabad gelyada ay uga qayb qaataan.

( gardarada walaalkaa markuu gacan togaaleeyo iyo qadaf markii loogeysto ee quluf lagu saaro  labadaba ficil inaad gaysataa way gudboon tahay ) ugu horayn anagoo ah labadaa aqoonyahay ee magacyadoodu kor kuxusanyihiin kana soojeeda sool iyo sanaag, waxaan baaq usoojeedinaynaa beeshsa caalamka, haayadaha, xuquuqul iisaanka, bulsho weynta reer soomaaliland  & madaxweynaha soomaaliland.inay gacan kasiiyaan siday uga helilahaayeen xaquuqdii ay xaqa ulahaaayee bulshadan cadaalad daradu hadhaysay ee gabooye ee g. bari, heerna ay marayaan in madax da ugusaraysa jamhuuriyada soomaaliland ayla kulmaan qabiilada kale lkn aysan tixgelin lana kulmi beelaha gabooye ee g. bari , sida dhacday markii uu madaxweyna kuxigeenka jamhuuriyada soomaaliland uu soodaah furayay xafladii diwaan gelinta codbixiyayaasha ee g. sanaag kulamana uulayeeshay beelaha degan g. sanaag  uuna uyeeday lana kulmay lkn aanu lakulmin beesha gabooye una yeedhin markii ay utageena loosiidayn waayay halka kuwa kale la tixgelinayay, intaas ka dib sida ayna wada ognahay madaxweynaha soomaaliland wuxuu kaqayb galay xafladii daah furka diwaan gelinta codbixiyayaasha aynuna ognahay sida miisaanka iyo muga lahayd uu madax weynuhu ula kulmayay, qabaa ilada degan gobolka sool halka ay beesha gabooyana kamid tahay beelahaa dega g. sool lknse aan lasiin wax tixgelin ah iyo mudnaa.

Taasina waxay cadaynaysaa dulmiga iyo cadaalad darada kahaysata xukuumada madaxweyne siilaanyo oo hugaaminayo, waxaanu baaq udiraynaa marlabaad iyo marsadexaadba bulsha weynta reer soomaaliland , xaayadaha xaquuqal iisaanka iyo madax weynaha soomaaliland. Hadaba waxaanu codsanaynaa cod dheerna kugaadhsiinaynaa xukuumada siilaanyo. Inaanu kahelno xubnihii aan xaqa ulahayn oo ah gogosha uu madax weynuhu udhigay g. bari 25/10/2016 ee bulco kadhacaya, maadaama aanu nahay beelaha ladega beelahaas shirka looqabanayo anagoo ah dad dhib iyo dheefba wadaaga iyo wax kasta oo deegaanadaa kadhaca.

Sidoo kale waxaaanu usoojeedinaynaa inaanu kahelno xaquuqdii aanu dalka kulahay iyadoo oo aanay jirin waxa looqabtay mudadii uu xisbiga kulmiye xilka hayay hadaytahay.

 

DHIBAATOOYINKA KAHAYSTA DHALINTA GABOOYE GOBOLADA BARIGA 

Ø Mahaystaan shaqaalaha dawlada:- haday tahay dhamaan agaasimayaasha wasaaradaha, wasaaraday doonto ha ahaatee tusaale ahaan gobolka sool waxaa kashaqeeye 21 ga aasime xataa xabad kumalihin

Ø Sidoo kale dhamaan shaqaalaha dawlad

Ø Haayadaha dawliga ah

Ø Dhanka shirkadaha , marka shaqooyinka lasoo dheyiyana oo ay aqoon yahan nadayada ay soo cod sadaa oo ay soo maxaan taakaa lagu qabtaa

Ø Hada waxaa socoto markii aqoontayadii aanu kusoomaxno waxaa socota sheega ah tiirmaleedahay oo  macneheedu yahay adeer meeshaad shada kadoonaysi makashaqeeyaa.

FG. Hadaanu nahay aqoonyahanada kasoojeeda gobolada bari,  waxaan codsanaynaa si xushmad kudheehantahay inaa helno waxaan xaq uleenahay