Sawirkii Somaliland Ee Degenaanshuhu Halis Buu Ku Jiraa

0
589

 

87878787Nayrobi(Geeska)-Majalada caanka ah ee The East African oo ka soo baxda magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, ahna majalad si weyn loo akhristo, ayaa warbixin dheer oo ay qortay waxay ku sheegtay in sumcadii Somaliland ee degenaanshuhu ay halis ku jirto. Wargeysku wuxuu warbixintiisa ciwaan uga dhigay Sawirkii Somaliland Ee Degenaanshuhu Halis Buu Ku Jiraa.

 

 

Majaladaasi warbixinta ay toddobaadkan qortay waxay ku sheegtay inay Somaliland dunida sumcad kaga kasbatay degenaanshaha dalkeeda ka hirgalay, waxase uu wargeysku ka digay xanafta ka dhalatay natiijadii doorashadii goleyaasha deegaanka oo uu buuq badani ka soo noqday. Wargeysku, wuxuu warbixintiisa ku bilaabay sidan: “Sumacadii Somaliland ee ah  wadan degan oo nidaam dimoqraadi leh ayaa u muuqda mid ay luxeen rabshado ka dhashay natiijada doorashooyinkii degaamada ee bishii la soo dhaafay ka qabsoomay.

Wararka ka imanaya Hargeysa, caasimada Somaliland, ayaa sheegaya in saddex qof ku geeryoodeen banaanbaxyo ka dhacay oo lagaga soo horjeeday nidaamkii doorashadu u dhacday.

Wakiilka Somaliland u fadhiya Maraykanka, Rashiid Nuur Gaaruf, ayaa wareysi lala yeeshay ku sheegay in mudaharaadyada uu abaabulay hogaamiye siyaasadeed ku guuldaraystay gaadhitaanka darajadii codadka loogu gudbayey heer xisbi.

Sida sharciga Somaliland qeexayo, saddexda xisbi/urur hela codadka ugu badan lixda gobol ayaa loo aqoonsanayaa xisbiyo qaran, ayuu sheegay Mr, Nuur. Halka afarta kale ee doorashadan ka qeybgalay aanay gudbi doonin.

“Waxay u muuqataa in masiibadii dhamaatay” ayuu sheegay Mr, Nuur oo intaas raaciyay in xasiloonidii ku soo laabatay Hargeysa.

Koox goob-joogeyaal tiradoodu gaadhaysay 50 oo 17 wadan ka koobnaa ayaa ku sheegay warbixintoodii u horeysay doorashada ka dib, in “Gebi ahaan doorashadu waxay ahayd mid nabadgelyo iyo hufnaan hab dimoqraadi ah u dhacday.” Laakiin, waxay sidoo kale tilmaameen “Jilicsanaan ka muuqatay ilaalinta laba codeynta.”

Xasilooni daro gudaha ka dhacda, waa halista Somaliland iska ilaaliso, oo xornimadooda kala soo laabtay Soomaaliya sannadkii 1991. Xadka Somaliland la wadaagto, Puntland, maamul-goboleed, ayaan ahayn mid la calaamadiyey, isla markaana sababi kara iska horimaad ciidan, sida uu ka digay  Maxamuud Jaamac Sifir, wakiilka Somaliland ee Kenya.

Isagoo ka hadlayey shir dhowaan aqoonyahanada Afrika ku yeesheen Maraykanka ayuu Mr, Sifir, ku sheegay, maadama Somaliland weli aqoonsi caalamiya u helin dal madaxbanaan, way adag tahay fursado ay kaga helaan mucaawinooyin qaadhaan-bixiyeyaashu ku taageeraan dhaqaalaha gaadhaya  $1.2 billion ee qorshaha horumarka Somaliland ku baxaya. “national development plan.”

Waxuu ku tilmaamay Somaliland tahay dal “hayntiisu yar tahay” sida Mr, Nuur, laftiisu ka sheegay kulankaa in tirada dadka ku nool Somaliland oo gaadhaya  3.6 million, dakhliga soo gala qofkiina sannadkii gaadhayo $226.

Xukuumada dhowaan loo sameeyey Soomaaliya ayaa qorshaynaysa siday Somaliland u wada noqon lahaayeen dal qudha, laakiin, “midow-danbe ayaan miiska iman Karin”, marka Somaliland loo eego, ayuu yidhi, Mr. Nuur.

Waxuu ku dooday  in Somaliland ku soo naaloonaysay xasilooni iyo ismaamul nidaam dimoqraadi ku dhisan mudaddii Soomaaliya ku jirtay mushkiladaha dagaalo sokeeye. Mr, Nuur, ayaa hoosta ka xariiqay inaan Somaliland diyaar u ahayn halis kaga timaada la midow dal hagaasay. 

Mr Nur ayaa raaciyey sida Somaliland u danaynayso sii waditaanka wada xaajood ay Soomaaliya yeeshaan, inkastoo,  “Xukuumada Soomaaliya aanay metelin shacabka Soomaaliya- balse, metesho keliya intii samaysatay,” 
“Haddii aan wada xaajoodkaasi iman,” ayuu yidhi, Mr, Nuur, “Waxa hadhay waa dagaal.”

Waxa jira dhinacyo badan oo Somaliland iyo Soomaliya wada xaajoodkoodu ka midh-dhali-karo, sida, iskaashi ganacsi, ayuu Mr, Nuur ku sheegay wareysigiisa wiigii hore.

Laakiin, Somaliland ayaa u muuqata in culays caalami ah ka haysto sidii ay heshiis u gaadhi lahaayeen Soomaliya wakhtigan, maadama, xukuumadaasi isku balaadhinayso maamulka in badan oo Somaliya ka mid ah.

Somaliland, ayaa dhinaca kale ku naaloonaysa, xidhiidh waanagsan oo jaarkooda Itoobiya u dhexeeya, halka xidhiidhkooda Jabuuti, uu soo hagaagayo, ayuu Mr, Nuur sheegay. “