Golaha Wakiilada Oo Ansixiyay Ajandaha Kalfadhigooda Oo Ay Ka Tuureen xeerka Saxaafadda

0
639

 

GolahaHargeysa (Geeska )-Mudanayaasha golaha wakiilada ayaa si rasmiya u ansaxiyay ajandaha kalfadhiga 20-aad ee golahaas oo ay ka tuureen xeerka Saxaafada oo horaantii ajandaha kalfadhiga ku jiray.

 

fadhigin waxa shir gudoominayey Gudoomiyaha golahaasi Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, waxana ka soo xaadiray 42 xildhibaan oo 35 xildhibaan oo ka mid ah ay ogalaadeen ansaxinta ajandaha golaha oo laga saaray xeerka saxaafada oo ay xukuumadu dabada ka riixaysay.

Ajandaha Kalfadhiga Golaha wakiilada ee la ansaxiyay waxaa qayb ka noqon doona arimo ay ka mid yahiin:-

•Warbixinta shir guddoonka, gudida joogtada ah iyo gudiyada Golaha wakiilada.•Xog ogaal u noqoshada xaaladda Dalka.
•Mashaariicda sharci ee Golaha horyaal.Sidoo kalena xeerarka lagaga doodi doono kalfadhiga labaatanaad ee golaha wakiilada waxaa ka mid noqon doona

•Xeerka miisaaniyadda Qaranka
•Wax ka bedelka Xeerka Qareenada•Xeerka Booliska
•Xeerka maamuuska Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa
•Xeerka ka ganacsiga Hawlaha baanka.•Xisaab xidhkii Dawladda ee 2008, 2009, 2010
•Xeerka Statics-Law.

Waxaa kale kalfadhigaasi hawlihiisa ka mid noqon doona
•U yeedhista mas’uuliyiinta Qaranka•Ansixinta mas’uuliyiinta Qaranka•Xeerarka ka soo noqda Golaha Guurtida iyo waxii kale ee soo kordha.

Gudoomiyaha Golaha wakiilada Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa ansixinta ka dib waxuu mudanayaasha ku wargeliyey in maalinta burrito ah ( Maanta ) golaha la hor keeni doono miisaaniyadda Qaranka ee sanadkan 2012.