Wasiir Dawladda Itoobiya Ka Tirsan Oo Ka Hadlay Hamiga Wadankiisa Ee Adeegsiga Dekedda Berbera Iyo Qodobka Hortaagan

0
659

 

berberaAddis Ababa(Geeska/The Reporter)- Xukuumadada Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday adeegsiga dekedda Berbera, marka la dhammeeyo waddada isku xidha labada wadan, oo wada xaajood ku saabsan bilaabida dhismahiisa u socdaan Itoobiya iyo Somaliland.

Sida uu baahiyey wargeyska The Reporter, oo Addis ka soo baxa, wasiirka wadooyinka Itoobiya, Diriba Kuma, ayaa sheegay in Itoobiya qorshaynayso sidii ay u adeegsan lahayd dekeda Berbera, mar la weydiiyey qorshaha xukuumadiisa ee Berbera.

Mr, Kuma, ayaa raaciyey, inay suganyaan dhamaystirka dhismaha waddada isku xidha labada dal, oo uu sheegay in wada xaajoodkoodu xilligan u socdo labada wadan.

Hadalka Itoobiya ayaa ku soo beegmay toddobaadkii hore hore markii dalka Itoobiya uu booqasho rasmi ah ku tageen 300 ganacsato Faransiis ah uu hogaaminayey gudoomiyaha gollaha ganacsatada barriga Afrika,  isla markaana, shirkada Bolloré Africa, oo qeyb ka ahayd uu hogaaminayey Jason Reynard. Mr. Reynard ayuu Wargeysku sheegay inuu Itoobiya ka codsaty inay dekedda Berbera u tixgeliso marin labaad oo ay ganacsigeeda dhoofinta iyo soo dejinta u adeegsato.

Shirkado ajaanib ah oo xiisaynaya ganacsiga ayaa la sheegay inay ku soo qulqulayaan Itoobiya, isla markaana la wareegaan maamulka hay’adda maraakiibta iyo hawlaha Itoobiya (ELSE).

shirkadda fadhigeedu yahay Dubai, ee DP World, oo xilligan maamusha dekedda Jabuuti, ayaa la sheegay inay ku jirto shirkadaha u tartamaya la wareegida ELSE, una aragta dekedda Berbera fursad kaloo Itoobiya u adeegsan karto hawlahooda dhoofin iyo soo-dejin ganacsi.