Sawirka Wiil Uu Dhalay Xidigga Kubadda Cagta Ee Suares Oo Aabihii Qaniinaya Ayaa Kiciyey Xaraarada Kaftanka Baraha Bulshadu Ku Xidhiidho

0
678

Hargeysa (Geeska)- Sawir uu ka muuqdo wiil uu dhalay weeraryahanka kooxda kubadda cagta ee Barcelona, Luis Suarez oo aabihii garabka ka qaniinaya ayaa noqday sawir baraha bulshada ee internet ka si aad u ballaadhan ugu faafay, dadka dunida ee ciyaaraha xiiseeyaana meel kasta oo ay joogaan iyo af kasta oo ay ku hadlaanba ka faalloodeen.

Sawirkan oo la qaaday intii ay socdeen dabbaaldegyadii ay kooxda Barcelona ugu damaashaadaysay koobka horyaalka kubadda cagta Isbayn ee ay qaadday, ayaa waxaa ka muuqda wiilka yar oo inta uu isku dayey in uu aabihii qaniino kaddib uu raacay garanka oo uu ilkaha kor ugu jiidayo.

Sababkta ugu weyn ee sawirkan xiisaha yaabka leh u samaysay ayaa ah taariikhda dhinaca qaniinyada ah ee Suarez lagu yaqaanno. Ereyada ugu badan ee ay dadka sawirkan faallaynayey soo qaadanayeenna waa kuwo ay si toos ah ama si dadban ugu muujinayaan in wiilka lix bilood jirka ah ee Suarez uu hidde raacay qaniinyada aabihii caanka kaga dhex noqday garoomada kubadda cagta. Laga soo bilaabo koobkii kubadda cagta adduunka ee 2014 kii oo uu Suarez qaniinyo xanuun badan ku dhejiyey ciyaartoyga Khadka difaaca xulka qaranka Talyaaniga uga ciyaaraiyey ee Giorgio Chiellini.

Wargeyska The Sun ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa sawirka wiilkan yar ka qoray faallo uu ku sheegayo in wiilka yari uu tubtii aabihii hayo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here