Sara Joogu Waxa Uu Wanaajiyaa Kalastaroolka Waxa Aanu Ilaaliyaa Wadnaha

0
538

Washington (geeska)- Warsidaha European Heart Journal ayaa jimcihii ina dhaafay faafiyey cilmibaadhis daahfuraysa in keliya in uu qofku muddo dheer sara-joogo halkii uu ka fadhiyi lahaa ay ka qayb laxaad leh ka qaadato ilaalinta guud ahaanba caafimaadka qofka. Istaagu waxa usu suurtogeliyaa in ay wanaagsanaadaan kalastaroolka, xaydha iyo sonkorta dhiigga raaci lahaa oo keena khatarta ah in qofka ay ku dhacaan cudurrada aan loo maaro helin ee wadnuhu. Sidoo kale istaagga badani waxa uu u fiican yahay xaddiga dhexda qofku le’ekaanays, waxa aanu ka ilaaliyaa in subagu ku ururo meelo jidhka ka mid ah, sida caloosha, dhinacyada iwm.

Professor Francisco Lopez Jimenez oo ka tirsa xarunta caafimaadka ee Mayo Clinic ee dalka Maraykanka ayaa isaga oo daraasaddan ka hadlaya yidhi, “Cilmibaadhiso badan ayaa muujiyey in firfircoonida jidheed ee qofku ay hoos u dhigto guud ahaanba sababo badan oo dhimasho keena iyo dhibaatooyinka caafimaad ee wadnaha iyo xididdada dhiigga, sidoo kale waxa uu sara joogga badani yareeyaa macaanka noociisa Labaad  oo dunida aad ugu badan, dhowr nooc oo kansarka ka mid ah iyo buurnimada”

Xeeldheerahani waxa kale oo uu caddeeyey in dadka qiyaas laba saac ah socda marka uu shaqaynayo, afar saac oo kalana taagnaada, sidoo kale marka uu guriga tagana aan meel uun fadhiyin ee hawlo qabtaa, in uu miisaanka kala dagaalami og yahay qof maalin kasta hal saac orda”

Khubaradu waxa ay sheegeen in macnuhu aanu ahayn in fadhigu uu dhib keenayo, laakiin ay mushkiladdu tahay qofka oo saacado badan oo is xiga fadhiya.