“Nabadgelyada Aynu ka Hadlaynaa waxa Weeyaan Sidii Ubadkeenu Af-Libaax Ugu Dhici Lahayn”

0
665

Picture1Hargeysa(Geeska):-  Guddoomiyaha Waaxda 26 Juune ee Magaalada Hargeysa Md. Mawliid Keyse Muxumed (Mawliid-Qaro) ayaa sheegay inay xukuumaddu go’aan adag ka qaadatay dhalinyarada rabshad-wadayaasha ee kooxkooxda isku dila oo mar kale ka soo laba kacleeyey degmada 26 Juune oo dhibaato ku haya shacabka, isla markaana waxa uu digniin  adag u direy Waalidiinta.

Guddoomiye Mawliid Qaro waxa uu sidaa maanta ku sheegay Kulan uu Xafiiskiisa kula Yeeshay Guddida nabadgelyada Waaxda 26-ka June, isla markaana ay goob-joog ka ahaayeen, Taliyaha Saldhiga Dhexe ee Caasimada Hargeysa Maxamed Case,Taliyaha Saldhiga Booliska Daloodho ee degmada 26 Juune Maxamed Ci-dheere, Guddida Nabadgelyada Degmada 26 Juune,Guddoomiyaha guud ee gaadhka 26 Juune Maxamuud Yuusuf Xuseen, Guddoomiye kuxigeenka Guddida nabadgelyada degmada 26 Juune Rooda Cabdi Aadan,

Kulankan oo lagaga arrinsanayay sidii wax looga qaban lahaa dhalinyaro rabshad wadayaal ah ee koox kooxda isku dila oo  mar kale  ka dilaacay degmada 26juune, sidii digniin kama danbeysa loogu diri lahaa Waalidiinta dhalinyarada dhashay. 

Guddoomiyaha Waaxda 26 Juune ee Magaalada Hargeysa Md. Mawliid Keyse Muxumed (Mawliid Qaro) oo ka hadlayay u-jeedada shirkoodan ayaa waxa uu yidhi “Hawsha aynu maanta isugu nimi waxa weeyaan sidii nabadgelyada wax looga qaban lahaa,iyada dadweynaha ku nool degmada 26 Juune, maamulka degmada iyo ciidanka Boolisku isaga kaashan lahaayeen sidii nabadgelyada degmada loo sugi lahaa.haddii nabadgelyada degmadu suganto degmooyinka kalena way sugmayaan. Nabadgelyadu waa udub-dhexaadka nolosha, haddii nabadgelyo la waayo nololiba jiri-mayso. Dhowr goor oo horena sidan oo kale waa looga wada hadlay, nabadgelyo daro kale oo ina haysata iyo cadow meel kale inagaga soo duulay ma jiro hab-yaraatee.”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Nabadgelyada aynu maaanta ka hadlaynaa waxa weeyaan sidii ubadkeena u ilaalin lahayn, oo aynu uga qaban lahayn sidii aanay Af-libaax ugu dhici lahayn- waxaan umadda reer Somaliland gaar ahaan dadweynaha ku dhaqan Xaafada 26 June hawada u marinayaa waynu ogayn wixii kal hore ka dhacay Caasimada Hargeysa, inay dhalinyaradu fowdo ka sameysay oo ay isku dilayeen kooxkooxaysi, arrintaasi waxay keentay in guddo iyo dibad-ba laga soo qeyliyo oo ay dhibaatadii wada saameysay mujtamaca ku nool Caasimada Hargeysa degmooyinkeeda, taasi waxay keentay in gacan bir ah lagu qabqabto, oo Mandheera, Laascaanood iyo Ceerigaabo inta ay u sokeyso la geeyo, maantana tii oo kale ayaa taagan.”

Maanta waxa uu inan kastaa lagu xukumi doona sannado inuu Xabsiga ku jiro “Waxaan u sheegaynaa mujtamaca ku nool degmada 26 Juune,Xaafadaha Daruuraha, Xaafada Fakinka, iyo koox kasta oo is-bahaysatay, in talaabadii hore looga qaaday mid ka sii adag la qaadi doono. Waxay dawladu u soo jeedsatay oo ay maanta ugu talogashay, maalintii hore waxa dhalinyarada lagu xukumay Saddex saddex bilood iyo lix lix bilood, maanta waxa uu inan kastaa lagu xukumi doona sannado inuu Xabsiga ku jiro, nin-walba waa la garanayaa Aabihii iyo hooyadii, Shirkayagani waxa uu nasdeex u yahay oo aan umadda gaadhsiinaynaa intaan dhalinyarada rabshad wadayaasha ah gacan bir ah lagu qaban oo aanay dawladu talaabadaas qaadin waalidiinta marka danbe dhalinyarada daba carara ee ku andacooda masaajid ayuu ka soo baxay iyo roodhi ayuu I doonay iyo Iskuul ayuu ka soo baxay ayay digniin  u tahay,“

“Dhalinyarada rabshad wadayaasha iyo waalidiinta waxaan u sheegayaa ee waxbarashadoodii ka doorbiday inay faash qaataan, inay Mobile la cararaan iyo inay qof muwaadina oo aan danbi-geysanin inay midi laabta ka geliyaan in maanta wixii ka danbeeya aan loo dul-qaadanayn- waalidkasta waa inuu ka war-hayaa halka ay caruurtoodu joogto.”Ayuu yidhi Mawliid Qarro oo la hadlayay Waalidiinta.

 Taliyaha Saldhiga Booliska Daloodho ee degmada 26 Juune ee Magaalada Hargeysa Maxamed Ci-dheere  oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Imika waxay dhibaatadu tahay dhalinyarada Daruuraha iyo Fakinka ee isku duulaya, haddii aynaan iska kaashanin arrintaasi way sii soconaysaa, guddida nabadgelyada waxaan leeyahay sidii aad noola shaqeyn jirteen awalba inaad noola shaqeysaan”

Guddoomiye kuxigeenka Guddida nabadgelyada degmada 26 Juune Rooda Cabdi Aadan, oo halkaasi ka hadashay waxay tidhi “Dhalinyarada rabshad-wadayaashu waxay ku jiraan luuqyada madow, indhaha way iska xidhayaan, koofiyado ayay gashan yihiin, waxay sameynayaan wax aan wixii hore ahayn – Ciyaalku weligoodba way is shiidi jireen, laakin kuwani waxay sameynayaan waxaad mooda dawlad dhan oo guureysa, waxaan u sheegayaa degmada 26 June inaynu waalidiin ahaan dhalinyarada qabsano oo aynu wax u sheegno, ciyaalkii faraha ayay ka baxeen- Sheekada Cusub ee soo baxday imika waxa weeyaan markii ay dadku luuqyadii madmadowa ka baydheen waxay iska dhigayaan sidii inan la dilayo iyaga oo metelaya inay sameeyaan codkii inanta oo weliba ku dhawaaqaya iga qabtaay iga qabtaay, marka ay dadku u soo baxaan ee ay is yidhaahdaan inanta la dilayo ka qabtana dadkii ayay mid mid u ugaadhsanayaan”.

Masuuliyiin fara baddan oo ku hadlayay afka guddida nabadgelyada degmada 26 Juune ayaa waxay si buuxda ugu taageereen go’aanka  adag ee ay xukuumaddu ka qaadatay sidii ay wax uga qaban lahayd dhalinyarada rabshad-wadayaasha ee dib uga soo laba kacleeyey degmadaasi, isla markaana waxay si isku mida isugu raaceen inay hiil iyo hooba lagarab taagan yihiin Ciidanka Booliska, guddoonka  degmada 26 juune Mawliid Qaro oo sheegay inay xukuumaddu go’aan adag ka qaadatay dhalinyaradaasi rabshad-wadayaasha, waxaanay balanqaadeen inay kala shaqeynayaan wax kasta oo lagaga hortagayo dhalinyaradaasi