Sanduuq Tiknoolajiyad Ku Shaqaynaya Ayaa Sannadkan Dadka Xajka Gudanayaa Hoy U Ah

59
3725

Maka (Geeska) – Jimciyadda ‘Hadiyad Alxaj’ oo ah hay’ad samafal oo u adeegta xujaajta iyo dadka cimrada u taga xaramka ayaa dharaarihii xajka ka horreeyey diyaarisay tiro ah sanduuqyo hurdo oo guurguuraya, kuwaas oo loogu talagay in dadka xujaajta ee jooga Mina iyo goobaha kala duwan ee xaramka ay si ku meelgaadh ah u seexdaan waqtiyada ay nashada iyo raaxada u baahdaan, inta uu socdo xajku.

Sanduuqan ku shaqaynaya tiknoolajiyadda oo ay hay’adda Al-hadiya u bixisay ‘Sanduuqa Hadiya ee huteelka ah’ waxa kale oo garab socday sanduuqyo iyo qalab casri ah oo ay hay’addu u qaybisay xajka, si ay uga qayb qaataan dab-damiska, soo dhoweynta xujaajta iyo adeegyo kale oo muhiim ah, kuwaas oo ka hawlgalaya goobaha barakaysan ee Maka iyo Maddiina.

Sanduuqa Hadiya ee huteelka ahi, waa qol isku wareeg ah oo cabbirkiisu dhan kasta 3 mitir u yahay, jooggiisuna waa 1.2 mitir. Waxa uu ka samaysan yahay caag iyo quraarad. Sanduuqyada qaarkood mid mid ayaa ay u yaallaan, halka kuwa kalana sida dhismayaasha dabaqyada ah la isu saari karo, oo midka sare uu leeyahay kaabad loo korayo. Qofka sanduuqa hoose ku jiraana aanu dareemayn sanqadh iyo dhaqdhaqaaq midna. Sanduuqan hurdada oo qol kasta ay dhextaallo sariir raaxo badan iyo si heer sare ah loo goglay, waxa uu samayskiisu awood u leeyahay in uu iska celiyo fallaadhaha qorraxda iyo kulaylka ka dhalan kara. Waxa aana ku rakiban nidaam koronto oo ku shaqaynaya tiknoolajiyad, suurtagelinaya in lagu dabaysto taleefanka iyo wixii la mid ah, taleefishan iyo nidaam qaboojiye oo uu qofku heerkulka uu doono ka heli karo.

Albaabka sanduuqan qolka hurdada ah waxaa furaya kaadh qofka la siinayo, kaas ayaana ka shaqaysiinaya dhammaan adeegyada kala duwan ee gudihiisa ka jira. Laakiin haddii kaadhka cilladi ku timaaddo ama ay korontadu tagto, albaabku isla marka ay korontadu ka go’do ayaa uu iskii isu furaya, si aanu qofku ugu dhex xannibmin.

Masuuliyiinta hay’adda Al-Hadiya waxa ay sheegeen in ay hadda wadaan qorshe dhammaystir u ah qolalkan oo ah in loo sameeyo xamaamyo iyo suuliyadii dadka qolalkan deggeni isticmaali lahaayeen. Mansuur Alcaamir oo ah agaasimaha jimciyadda Al-Hadiya oo ka hadlay arrintan ayaa yidhi, “Fikirkani oo ka shaqeeyey dalka Jabbaan, iyo magaalooyin kala duwan oo dunida ah, waxa aanu aaminsannahay in uu ku habboon yahay goobaha sida aadka ah cidhiidhiga u ah, ee ay ka mid yihiin goobaha cibaadada loo tago ee Makah” Mansuur waxa uu sheegay in fikirkani ku yimi, su’aalo la iska weydiiyey sidii qofka looga yarayn lahaa daalka jidheed iyo burburka qofka ka soo gaadha, hawlaha la qabanayo iyo cidhiidhiga xad dhaafka ah, gaar ahaan waqtiyada heerkulku aad u sarreeyo.

Agaasime Mansuur waxa uu caddeeyey in jimciyaddiisu ay qalabkan dalka Jabbaan kaga soo iibsatay lacag dhan Kun lacagta Yurub ee Yuurada ah midkiiba, laakiin ay ugu talagashay in ay bilaash ugu qaybiso dadka xujaajta ah. Waxa uu sheegay in qalabkan qaybtiisan hadda timi oo tijaabo ah ay hay’addiisu bixisay kharashka ku baxay, laakiin haddii uu guulaysto fikirkani, uu qorshuhu yahay in ay dawladda Sucuudigu bixiso kharashka qalab dadka wada gaadha oo dhammaystiran lagu soo iibinayo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here