Cilmiga Oo Sharraxay Sida Uu Jacaylku Ku Bilowdo Iyo Sababta Ay Maskaxdu Ku Xulato Qofka Ay Caashaqayso

0
1430

Hargeysa (Geeska) – In badadn buu hal-abuurka Soomaalidu siyaabo kala duwan u dhigay, jacaylka iyo duruufaha kala duwan ee ku gedaaman, mid ka eega dhinaca ubaxa leh iyo quruxda nololeed ee ku ladhan iyo mid saancad iyo soodh halbowlaha gooya ka dhigaba.

Soomaalida oo keliya ma’aha ee dhammaan hiddaha iyo dhaqanka dunida waxaa ku suugaan iyo qisas jacayl. Haddana, suugaantaas jacaylka iyo cishqiga hadba dhan ka gashay, iyo qisaska iyo sheekabaraleyda kala duwan ee badhaadhe iyo ba’ ba ka sheekaynaya oo jira, weli caashaqu waa hal-xidhaale qurux badan oo iyada oo aan qeex iyo jiritaan cilmiya oo la isku waafaqsan yahay loo haynin, haddana aynu dhammaanteen hadal hayntiisa ka helno farxad iyo xiise gaar ah. Waa dareen aan faham buuxa iyo sabab keenta oo run ah midna loo haynin, waa hawlgal kakan, oo aan ku koobnayn dareenka balse sida oo kale saamayn ku yeesha maskaxda iyo jidhka, hormoonno badan oo jidhka aadamaha ahna raadkiisu gaadho.

Marka da’da qaangaadhka uu qofku gaadho waxaa shaqo bilaaba labada hormoon ee Testosterone iyo Estrogen, waxa aanay qofka ku abuuraan dareenka jinsiga ah oo ku dhiirrigeliya in uu ka fikiro sidii uu xidhiidh ula yeelan lahaa jinsiga ah, waxa aana ka dhashay hormoon qofka u xiise gelinaya in uu tijaabiyo jacaylka, markaas ayaa uu bilawdaa geeddiga aynu ku raadinayno jacaylku!

Yaad jeclaanaysaa

Warbixintan ay qortay shabakadda wararka ee Alcarabiya, ayaa lagu sheegay in xiisaha uu qofku u qaadayo qofka jinsiga kale ahi uu ka bilowdo dareen aanu xakamayn karin oo jeclaysiinaya qofka uu ku arko shakhsiyad xasuusinaysa shakhsiyadda waalidkii. Tusaale ahaan maskaxda ninka waxaa si xoog badan ugu dhega xiisaha gabadha uu ku xasuusto hooyadii, dabeecad ahaan, qurux ahaan, cod ahaan ama wax uun kale oo xasuusinaya. Maskaxda gabadhuna waxa ay caashaq degdeg ah u qaaddaa ninka ay ku xasuusato qofnimada aabaheed. Laakiin waxaa xiise leh in aanu midkoodna markan uu qofkan xiisaynayo, dareensanayn in sababta uu qofkan u xiisaynayaa ay tahay xusuusta uu ku xasuustay qofnimadii waalidkii. Sidaa awgeed waxa uu is arkayaa isaga oo sida waalidkii raaxda iyo farxadda qofkan ku raalli noqonaya dhibtiisuna gubayso.

Marka laga tago sharraxaaddaas cilminafsiga waxa kale oo uu cilmigu caddeeyey in qofka aynu jeclaanaynaa uu yahay qof habdhiska difaaca jidhkiisu uu ka duwan yahay habdhiska difaaceenna.

Waxa uu saynisku aaminsan yahay in Hormoonno uu ka mid yahay oxytocin, iyo hormoonnada neerfaha ee Neurotrophins ay raadayn ku leeyihiin curashada caashaqa. Sababna u yihiin sida uu qofku u fikirayo iyo sida uu u dhaqmayo marka uu jacaylku hayo, iyada oo sida oo kalana fahamka maskaxdu ka haysato jacaylku saamaynta qayb leeyahay.

Aragtida caadiga ah ama soo jireenka ah ee uu saynisku ka aaminsan yahay jacaylkuna waa in sababta abuurta isla markaana dhiirrigelinta iyo xiisaha xoogga badan jacaylka gelisaa ay tahay laba midkood:

– Xiise jinsi oo qofku u qaaday qofka uu jeclaanayo.

– Islafalgal xidhiidh oo labada qof dhex maray: Waa xidhiidh caadi ah oo isbarasho oo ku soo beegmay xilli labada qof midkood ama labadooduba ay u baahan yihiin wehel, duruufo nafsi ah oo ay marayaan awgood, am acid ay jeclaayeen oo sabab uun uu ku waayey awgeed. Taasina ay abuurto in uu mid kastaa kan kale u arko ama midkood uun uu kan kale u arko in uu yahay ruuxii ka buuxin lahaa kaalinta wehel la’aaneed ee ku bannaanayd ama in uu u arkaba in aanu ka maarmayn, garabjooggiisa iyo taageeradiisa nafsadeed.

Midabka casaanka

Waxa ay cilmibaadhisuhu sheegeen in midabka casaanka oo ay dumarku ku labbistaan uu ka mid yahay sababaha ragga ku abuura xiisaha ay gabadha u qaadayaan, oo hordhac u noqon kara jacayl ay maskaxdu gabadha u qaaddo. Midabka Casaanka ayaa uu cilmigu xaqiijiyey in uu si gaar ah u soo jiito dareenka ragga, maadaama oo uu saamayn toos ah ku yeesho maskaxda ninka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here