Culimada oo Shacabka Uga Digtay Inay U Dabaal-degaan Sannadka Milaadiga Ee Maanta Bilaabmay

0
1061

Picture6Hargeysa(Geeska)-Culimada Somaliland ayaa shacabka uga digtay weynaynta iyo u dabaal degga sannadka cusub ee Milaadiga oo maanta bilaabmay.

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir iyo Sheekh Maxamed Cali Gadhle ayaa farriin ay shalay bulshada u direen, waxay kaga digeen ka qayb galka xafladaha sannadka cusub loogu dabaal degayo. Sheekh Dirir oo ugu horayn arrintaas si adag uga digay ayaa yidhi, “Maalmahan oo kale marka uu sannadkan cusub ee Miilaadigu bilaabmayo, waxay dadku sameeyaan dabaal deg aad u badan iyo iyadoo loo ciido, ha ugu sii darnaandeen walaalaheena warbaahinta ku hawlan qaar ka mid ah, dhallinyarada qayb iyo hoteelada qayb, taas oo ay u farxayaan ciidda uu sannadkaasi leeyahay.”

Sheekh Dirir, isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Arrinaasi arrin xagga sharciga waafaqsan maaha, Nebigu CSW wuxuu tagay Madina iyadoo laba ciidood ay leeyihiin, ciidda nayruuska iyo ciid kale, markaas wuxuu yidhi labadan maalmood ee aad dabaal degteen maxay ahaayeen, waxay yidhaahdeen dhaqan ayay noo ahaayeen, wuxuu rasuulku CSW yidhi Alle wuxuu idiinku bedelay laba ka’ khayr badan oo islaamku ogolyahay oo ah ciidul fidra iyo ciidal udxa, labadaas ayaad dabaal degaysaan ee labadan joojiya, asxaabtii way qaateen, inaguna inaynu qaadano oo sidaas nebigu CSW ciidahaas kale u joojiyaay ciidahaas islmaakma aynu ku eekaano, markaas qaddiyadaas waxyaabo badan oo munkaraad ah ayaa ka dhaca, isdhexgal, tumasho, soo jeed farobadan, maal la burburiyo, heeso aad u badan oo la sii daayo, arrimahaas waxaynu leenahay aynu ka dayno oo sidaas nebigu CSW uga joojiyay reer Madiina ayuu Muslimka oo dhan uga joojiyay.”

Sheekh Maxamed Cali Gadhle, ayaa isna yidhi “Walaalayaal qofka muslimka ahi inuu ka qayb galo ciidda gaaladu leedahay oo uu kagala qaybo galo xaflado, ama hadiyooyin amaba ubaxyo qaybintood ama raashin qaybintood ciidda gaalada awgeed waxa weeye mid xaaraam ah sida ay culimada muslimiintu isku wada waafaqsanyihiin.”

Sheekhu isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Ka qayb qaadashada maalinta ciidda gaaladu waa gaaladii oo la shabahayo, Nebigu CSW wuxuu yidhi cidda cid shabahda ee isu eekaysiisaa iyaga ayay ka mid noqonayaan.”

Isagoo Sheekh Maxamed Cali Gadhle, dhallinyarada la hadlaya wuxuu yidhi “Waxaan leeyahay dhallinyarada , dhalliyarooy waa la inagu soo duulay, geesi waxa la inooga dhigay kuwa kubadda iyo kuwo la mid ah oo ay dhallinyardeenu ku dayanayso, laga yaabaa haddii afarta khulafada la weydiiyo aanay dhallinyaradeenu garanayn,. Haddiise la yidhaahdo konton naadiyada Yurub ka ciyaara sheega ama tababarayaashooda way xafideen, waa duulimaad la inagu soo dulay, Diin ayaynu leenahay, diinteena inaad isku cisaysaan, qabsataan, sharaftaan, waalidiintana waxaan u soo jeedinayaa inay u feejignaadaan oo ay ka war hayaan ubadkoodu waxay maalintaas samaynayaan.”

Sheekhu, wuxuu sidoo kale farriin u diray mulkiilayaasha hoteelada oo uu ugu baaqay inay fiiro gaar ah u y eeshaan waxyaabaha hoteeladooda lagu samaynayo.