Hargeysa (Geeska)- Xeeldheere caafimaad oo u dhashay dalka Jarmalka ayaa ka digay khatar ka dhalan karta sameecadaha dhegaha la gashado haddii lagu isticmaalo meel ka baxsan guryaha dibaddooda, gaar ahaan suuqyada iyo jidadka magaalooyinka saxmadda badan.
Afhayeen u hadlay Iskaashatada xirfadlayaasha ee dhakhaatiirta sanka, dhuunta iyo dhegaha ee dalka Jarmalka oo lagu magacaabo Mishaa’iil Deej ayaa sheegay in marka sameecadaha dhegaha lagu dhex isticmaalayo guryaha ay inta badan dhacdo in uu qofku iska gaabiyo maadaama oo aanu jirin buuq ama saxmad kale oo maqalka ka qasaysaa, laakiin marka uu qofku sameecadda ula baxo bannaanka, gaar ahaan jidadka iyo suuqyada saxmaadda leh ay dhacayso in uu qawado maqalka dhawaqa kale ee dhegihiisu maqlayaan awgeed, sidaa awgeed uu aad u dallaco codka uu dhegeysanayo, taasina ay khatar ku tahay maqalka iyo guud ahaan caafimaadka dhegaha.
Hadalka xeeldheerahan oo uu ku beegay maalinta caalamiga ah ee la dagaalanka sawaxanka iyo saxmadda oo la xuso 23 ka Abriil ee ku beegan Arbacada maanta ayaa waxa uu intaas ku daray in codkaas kor loo dallacayo ee samecaddu uu mustaqbalka fog sababo dhibaato dhianca maqalka ah oo aan la daweyn Karin.
Maalintan ayaa loo asteeyey in dadka laga wacyigeliyo dhibaatooyinka ay caafimaadka qofka iyo caafimaadka guud ee bulshadaba ku keeni karaan sawaxanka iyo codka dheeri.