Samaayn Noocee Ah Ayaa Ay Ivanka Ku Leedahay Aabaheed Madaxweyne Trump

0
563

Washington (Geeska)- Masuul sare oo ka tirsan Guriga Cad ee Maraykanka ayaa sheegay in inanta uu dhalay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ay kaalin la taaban karo ku lahayd hadalkii qaboobaa iyo deggenaanshiyihii aan looga baran ee ka muuqday khudbaddii uu Donald Trump u jeediyey golaha Kongareeska ee dalka Maraykanka.

Sida lagu sheegay war uu Geeska Afrika turjumay oo ay baahisay wakaaladda Reuters, Ivanka waxa ay ka qaybgashay kulamo Axaddii ka dhacay Guriga Cad oo maskax miiris ahaa, si ay aabaheed uga caawiso in uu ku tababarto hannaan ka duwan kii looga bartay oo dejiya cabsida laga qabo siyaasadihiisa.

Dhinaca kalana Trump ayaa caddeeyey in ay jiraan dad badan oo ku xeeran, kuwaas oo uu ka qaato fikradaha iyo soo jeedimaha, inantiisuna ay sabab u ahayd niyadsamaantii ka muuqatay, kuna boorriso in uu noqdo ruux dhinaca togan arrimaha iska taaga si ka badan sida hadda.

Madaxweyne Trump ayaa khudbaddiisii u dambaysay, ay aad uga dabacsanayd kuwii looga bartay toddobaaddadii uu Guriga Cad joogay, waxa aana laga arkay dabacsanaan, Maraykanka oo uu ugu baaqay midnimo, iyo weerarkii joogtada ahaa ee uu xisbiga Dimuqraaddiga iyo warbaahinta ku hayey oo uu iska dhawray.

Isbeddelka ka muuqday Donald Trump ayaa ay xeeldheerayaashu aaminsan yihiin in uu ku yimid dadaal muddo toban maalmood ah socday oo tababar iyo diyaarin adag Guriga Cad dhexdiisa loogu sameeyey Trump, kulamadaas oo ay ka qayb qaateen gacanyareyaasha Trump iyo dabcan inantiisa Ivanka oo iyadu kaalin aad u muhiim ah ku lahayd in aragtida aabaheed noqoto mid isu dheelli-tiran.

Warbaahinta Maraykanka oo looga bartay in ay si aad ah u naqdido khudbadaha Trump ayaa markan muujisay sida ay khudbaddiisani u ahayd mid aad ugu dhow maangal, iyo in uu madaxweynuhu ku soo dhowaaday niyadda dadka Maraykanka, waxa aanay xuseen in khudbaddiisan u dambaysay ay waxoogaa kor u soo qaadday taageerada sii yaraanaysay ee xisbigiisa Jamhuuriga.

Wargeyska Washington Post ayaa faallo uu khudbaddan ka qoray ku sheegay in ay si weyn uga marag kacday saamaynta weyn ee ay Ivanka oo 35 jir ahi ku leedahay aabaheed. Meelaha sida gaarka ah looga dareemayna waxaa ka mid ahaa in Donald Trump uu toddoba jeer khudbaddiisa ku soo qaatay dumarka, taas oo muujinaysa sida ay khudbaddan raadka ugu lahayd inantiisa ah la’ taliyaha aan rasmiga ahayn ee madaxweynaha, sidoo kale si aan hore looga baran ayaa uu labada xisbigu ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii ay dadweynuhu uga faa’idaysan lahaayeen barnaamijka daryeelka ubadka, waalidiinta da’da yarna marka ay ubad dhalaan la siiyo fasaxyo ay mushahar leeyihiin.

Trump oo hore looga bartay aflagaadaynta dumarka ayaa markan khudbaddiisa ku sheegay in loo baahan yahay xoojinta shaqada dumarka iyo marwooyinka ganacsiga ku jira, si looga caawiyo in ay gaadhaan sayladaha iibka iyo in ay rumayn karaan riyadooda dhinaca maaliyadda.

Masuul sare oo ka tirsan Guriga Cad ayaa isna sheegay in khudbaddan u dambaysay fikradaha ay xambaarsanayd uu qorshaheeda lahaa Trump, laakiin sida hadalka loog dhigayo iyo diyaarinteeda uu caawimo badan ka helay inantiisa Ivanka, oo tan iyo markii aabaheed xilka madaxweynaha ku guulaystay faraha ka qaadday hawlaheedii ganacsi una gacan baxday in ay garab istaagto.

Thomas Alan Schwartz oo ka tirsan jaamacadda Vanderbilt ayaa mar uu kaalinta Ivanka ee Guriga Cad ka faalloonayey waxa uu sheegay in si aan looga baran taariikhda dhow ee qoysaska madaxweynayaasha Maraykanka, ay madaxweyne Trump inantiisu saamayn weyn ku leedahay, gaar ahaan dhinaca daryeelka bulshada, ama qadiyadaha kale ee aanu xisbiga Jamhuurigu aalaaba muhiimadda weyn siinin.