W. Deegaanka Oo Qabatay Shir Lagaga Tashanayo Xal U Helida Isbedelka Cimilada Iyo Abaaraha

0
567

Hargeysa (Geeska)-Shir ku saabsan sidii looga arinsan lahaa qorshe cadna looga yeelan lahaa isbedelka Cimilada Somaliland, Abaaraha soo noq-noqda iyo Biyaha ayaa lagu qabtay Amasadoor Hotel ee Magaalada Hargeysa.

Shirkan oo soconaya muddo laba cisho ah ayaa waxa soo agaasintay Wasaaradda Deegaanka iyo horumarinta reer miyiga, waxaana ka soo qayb galay Wasiiradda Deegaanka, Qorsheynta, Beeraha, Wasiiru dawlayaasha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Biyaha, Maareeyaha Hay’adda Nerad, Hay’addo, Ururada Arrimaha Bulshada,  iyo marti sharaf aad u tiro badan.

Wasiiradda Deegaanka Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Bandare oo iyadu dulucda shirka hadashay ayaa faah-faahin ka bixisay ujeedada ay u qabteen shirkan waxayna tilmaamantay inay ku rajo weyn tahay in shirkan uu ka soo bixi doono qorshe iyo barnaamuj midho  yeesha oo laga faa’iidaysto, waxayna sheegtay inay ka Wasaarad ahaan mar walba ku mashquulsan yihiin sidii xal waara oo lagaga hor tago loo sameeyo abaaraha soo noq-noqda iyo sidii ay Somaliland uga gaashaman lahayd is bedelka cimilada ee Adduunka, waxayna  tidhi “Waxa weeyaan ceelna uma qodna cidina uma maqna, Maskaxdii maanta halkan bay wada fadhidaa,inaynu tuujino ayeynu doonaynaa, inaynu soo saarna xalkii baa la inaga doonayaa, sidii dadkan inoo yimid aynu wax ula qabsano waxa la inaga doonayaa inaynu tusno inaynu  diyaar u nahay”.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo),  oo isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Arinta laga hadlayaa wax badan buu insha allaah ka tari doonaa mustaqbalka Somaliland, waxaanu ka warhaynaa ka awoow ka awood inagu soo noqon-noqonayey dhagax inagu dhacaya oo maalin walba sugayno, inaynu dadkeena u fikirno inteena aqoonta leh ee halkan joogta in loo fikiro sidii looga hor tagi lahaa masiibada dabiiciga ah, ee ILLAAHAY keenay”.

Wasiirka Beeraha Dr Maxamed Aw Daahir Ibraahim oo isna shirkaas ka hadlay ayaa yidhi “Waxa la yidhi waxa jira is bedel cimilo, waa run, hasa yeeshe waxa  socda is bedel inaga ah, oo xagga wanaagsan ahayn ee xagga qaribaada ah oo dhulkeenii baabisay, inaad wax badan ka tidhaahdana aan rajaynayo inay Shirka ka soo baxdo”.

Wasiiru dawlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Cabdirashiid Riyo-raac iyo Wasiiru dawlaha Biyaha Mahdi Cismaan Buuri, ayaa sheegay in isbedelka cimiladu yahay wax caalamka oo dhan ka jira, balse Somaliland tahay meelaha ugu jilicsan ee isbedelku si toos ah uga jiro, waxayna tilmaameen inay aad ugu faraxsan yihiin shirkan, kana filayaan inay ka soo baxo qorshe fiican oo ku saabsan sidii xal waara looga heli lahaa isbedelka cimilada Somaliland, abaaraha soo noq-noqda iyo sidii loo qaban lahaa loogana faa’iidaysan lahaa Biyaha dooxyada ee gala Badda.

Madaxa Hay’adda UNDP ee Somaliland oo isna Shirkaas ka hadlay ayaa ka xog waramay waxyaabaha ay Hay’addaha Qaramada Midoobay ka qabtaan Somaliland iyo sidii ay Somaliland uga caawin lahaayeen hiirgelinta iyo fulinta qorshe midaysan oo ku waajahan is bedelka cimilada iyo abaaraha.