Saloolku Waxa Uu La Dagaallamaa Cudurrada Wadnaha, Waxa Uu Ka Hortagaa Kansarka Oo Uu Fiditaankiisana Joojiyo

0
630

1Washington (Geeska)- Saloolka oo ka mid ah cuntooyinka caadooyinka dhinaca diinta ay la xidhiidhiyaan Soomaalidu u isticmaali jirtay muddooyin badan ayaa la ogaaday in uu yareeyo khatarta ah in qofka ay ku dhacaan cudurro ay ka mid yihiin kansarka iyo wadne xanuunka, taas oo sababteedu tahay maadadda Polyphenols oo aad ugu badan, ayaa la dagaallanta kiimikada afka cilmiga lagu yidhaahdo ‘Free Radicals (Xididdo xor ah) oo sababa cudurrada wadnaha ku dhaca iyo sidoo kale in uu kansarku fido.

Waxaa muddooyinkan dambe aad u soo badanaya daraasadaha cilmiga ah ee iftiiminaya in cuntada caafimaadka qabta iyo noocyada  cuntadu ay tahay hab cusub oo loola dagaallami karo cudurro badan. Daraasad arrintaas la xidhiidha oo kale ayaa iyaduna sheegaysa in saloolku uu ka mid yahay cuntooyinkaas caafimaadka u fiican, gaar ahaan in uu yahay cunto si tayo badan ula dagaallami karta Kansarka iyo cudurrada wadnaha.

Sida lagu caddeeyey qormadan uu Geeska Afrika ka soo xigtay degelka internet ka ee Web Teb (Ama shabakadda caafimaadka), waxaa jirta daraasad kale oo ay samaysay jaamacadda Scranton ee dalka Maraykanka, taas oo mar kale ku celisay in saloolka, gaar ahaan marka saloolistiisa lagu daro in yar oo saliid ah ay ku badan tahay maadadda Polyphenols taas oo carqalad ku noqotay in ay dhashaan Free radicals ka sababa noocyada kala duwan ee cudurka Kansarka.