Qaar Ka Mid Ah Cilmibaadhisaha Dadkii Sameeyey Ay Ku Mutaysteen Abaal Marinta Caalamiga Ah Ee Ig- Nobel Prize Oo La Isku Siiyo Maangaabnimada Sayniska

0
142

1Hargeysa (Geeska)- Qorme hore ayaa aynu kaga soo warannay abaalmarinta caalamiga ah ee doqonniimada cilmiga oo aynu sheegnay in lagu magacaabo Ig Nobel Prize oo ah magac laga canjilayo magaca abaalmarinta saxda ah ee Nobel Prize , inta horena ay tahay ereyga afka Ingiriisiga ee Ignoble  oo macnaheedu afkeenna ku noqonayo xaqiran ama wax liita. Balse si ula kac ah haddana ereygii loo qalday oo loo kala rajay qaybta hore oo Ig ah iyo inta dambe si ay ugu sii ekaato Nobel Prize.

Haddaba qormadan waxa uu Geeska Afrika ku eegayaa qaar ka mid ah masalooyinka cilmi ee illaa hadda Saynisyahannadii curiyey ku kasbadeen abaal marinta doqonniimada cilmi.

Abaal marintan waxaa la guddoonsiiyaa masalooyinka cilmi ee marka la eego loo arko in aanay wax faa’ido ah u lahayn adduunyada iyo nolosha aadamaha

1. Xanjadu saamayn ma ku yeelan kartaa hirarka maskaxda aadamaha: Masaladii cilmi ee ugu horreysay ee lagu kasbaday abala marinta Ig Nobel Prize waxa ay ahayd cilmibaadhis lagu baadhayey raadka uu dhadhanka xanjadu ku yeelan karo hirarka maskaxda. Isla sannadkaas waxaa abaal marin labaad qaatay laba saynisyahan oo u dhashay dalka Norway, kuwaas oo ahaa haween baadhay raadka ay toonta, khamriga biirka iyo labeenta dhanaan ee roodhida la marasadaa ku yeelan karaan amateedka (Doonista cunto) ee gooryaanka caloosha ku dhasha.

2. Sallaamada fooqu saamayn ma ku yeelan karaan hab-dhiska difaaca jidhka: Cilmibaadhistii dhinaca caafimaadka ugu horreysay ee lagu kasbaday abaal marinta doqonniimada cilmi, waxa ay ahayd cilmibaadhis lagu daraasaynayey raadka uu sallaanka fooqa loo koraa ku yeelan karo habd-dhiska difaaca.

3. Cilmiga cimilada: Dhinaca juqraafiga marka la eegana abaal marintii koowaad ee Ig Nobel prize waxaa qaatay daraasad lagu eegayey suurtogalnimada in xawaaraha uu ku socdo dhawaqa digaagga loo qaadan karo halbeeg lagu qiyaaso xawaaraha duufaannada.

4. Suugaanta: Social Text Journal oo ah kalle caan ah oo tan iyo 1979kii ay soo saaraysay jaamacadda Duke ee dalka Maraykanka kana faalloota hadba waxa ku cusub arrimaha bulshada iyo dhaqanka ayaa iyaduna kasbatay abaal marinta caalamiga ah ee Ig Nobel Prize kadib markii ay faafisay cilmibaadhis macno darro ahayd oo cid fahantaba laga waayey dadkii akhriyey oo dhan.

Cilmibaadhistan ayaa qofka sameeyey uu ku andacoonayaa in aanu jirin wax Waaqac la yidhaahdaa, waxa aanu haddana cinwaan uga dhigay, ‘Warqadda waxa ay meel-ka-dhac ku samaysay xuduudkii: Si dib u habayn loogu sameeyo hannaanka turjumaadda (Hermeneutics) khatarta uu xaddigu leeyahay awgeed) Ereyadan ayaa loo aqoonsaday kuwo aan la fahmi karin, isla markaana aan macno cilmiya keli keli iyo wadar midna ku samaynayn.

5. Jiirka haddii loo xidho surwaal Nayloon ka samaysan waxa ay dhibaato ku keenaysaa firfircoonidiissa jinsi: Sannadkii 1993kii ayaa saynisyahan weyn oo reer Masar ah loo gartay in la siiyo abaalmarinta caalamiga ah ee Maangaabnimada cilmi, kadib markii uu soo saaray daraasad uu ku sheegayo in saraawiisha ka samaysan Nayloonka keliya ama in yar oo cudbi ah lagu daray ay khatar ku tahay nolosha jinsi ee jiirka, taas oo ay inta badan daciifiso.

Dr. shafiiq Qadduum ayaa hore dsannadkii 1981kii loo soo sharraxay shahaadada caalamiga ah ee Nobel Prize laakiin kuma uuu guulaysan, waxa se loo aqoonsaday sannadkaas in uu yahay cilmibaadhihii ugu fiicnaa dunida oo dhan, taas oo abaal marinno kale uu ku kasbaday.