Faadumo Siciid Oo Sheegtay In Hay’adda Odxa Liisankii Loo Diiday

0
531

Picture1Hargeysa(Geeska):-Guddoomiyaha hay’adda Odxa Marwo:Faadumo Siciid Ibraahim ayaa sheegtay in hay’adda Odxa oo ahayd hay’ad samafal ah oo ka shaqaysa arrimaha dhalinyaradu ay xukuumada hada uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Axmed Siilaanyo ay u diiday Liisankii shaqada in dib loogu cusboonaysiiyo, waxaana ay sheegtay in mar ay isku dayeen in Liisanka shaqada ay dib uga soo cusboonaysiiyaan wasaarada qorsheynta qaranku ay u diiday in ay dib ugu cusboonaysiiyaan.

Marwo:Faadumo Siciid Ibraahim ayaa hadalkan ka sheegtay mar ay shalay warbaahinta ugu waramaysay magaalada Hargeysa, waxaana ay ugu horeyn ka sheekaysay ujeedooyinka ay u aas aastay hay’adda Odxa iyo waxyaabaha ay qabato.

"Ururka Odxa waxaa uu ahaa urur samafal ah, waxaana dadka ugu jilicda san ee u baahan in wax lala qabto runtii waa dhalinyarta ,baahiyaha dhalinyartuna aad ayaa ay u badan tahay, markaa runtii anigu qaybta amniga iyo qaybta ciyaaraha ayaan aad iyo aad aan runtii jecelaystay in aan ugu shaqeeyo oo sida oo kalena ahayd qayb aan u madax banaan waayey markaan UNDP ka shaqaynaayey, se markii aan shaqada ka tagay aan go'aan saday in aan halkaas dhalinyarta uga adeego"Ayey tidhi Marwo:Faadumo Siciid.

Guddoomiyaha hay’adda Odxa Marwo:Faadumo Siciid oo sida oo kale hadalkeeda sii wadata ayaa waxaa ay sheegtay in mudadii ay hay’adda Odxa shaqaynaysay cadaadis aad u badan ay kala kulantay xukuumada hada talada dalka haysa.

"Runtii intii aanu Odxa ka shaqaynay cadaadis aad u fara badan oo aanu ka dareenay goobaha aanu ku qabanayno koobabka oo aad ogeydeen in kolba nala hor istaagayey, gabiley kolkii aanu is nidhi aad koob ku soo qabataan waadinkii ogaa waxii ka dhacay ee illaa nala oo diiday in aanu magaalada galno. Koob wareeg ah oo isagana aanu ku qabanay Isdaayoonka weyn ee Hargeysa xidhitaankeedii waa tii nalaga madmuucay ee wasiirku uu tagey, koobkii wareega ahaa ee aanu anagu soo qabanay ee Labada todobaad soconaayey xidhitaankiisii ayey iyagu tageen oo ay soo xidheen, runtiina intaaba midna maanan ka hadlin oo dee waxaanu is nidhi uun wax kacdooma waxaa ugu xun dhalinyarada dhalinyaradana in aan dhibaato ugeysto anigu faadumo ahaan ma jecli, waxaas iyo waxyaabo kale oo aad u fara badanba waan uga dulqaatay xitaa heer ay igaadhsiisay in aan Sonyo oo ahayd ururka aan bilowgiisii ku jirey ee aan maalin kasta la shaqaynaayey lana joogi jirey hadana marka aan arkay in cidhiidhi badan la gaadhsiinaayo aniga aawaday ayaan anigu dib uga fadhiistay oo aan idhi illaa ay wakhti munaasiba ay noqoto anigu waan idiin jooga"Ayey tidhi Faadumo Siciid.

Ugu danbayntiina waxaa ay Marwo:Faadumo Siciid ay tilmaantay in hada ay hay’adda Odxa ay u xidhmayso xukuumada Siilaanyo oo u diiday in ay Liisankii shaqada ay dib ugu cusboonaysiiso."Hay'adda Odxa in badan ayaa na loogu hanjabay oo na lagu yidhi waa laydin ka xidhayaa oo waa laydin ka joojinayaa in badan ayaa aanu dhibaatadeedii aanu u dhabar adaygnay ayaa markii aanu liisankii wasaarada qorsheyn aanu geynay mar qudha uun nalagu yidhi wax la idiin cusboonaysiinayaa haba yaraatee ma jirto, liisankii halkii ayuunbaa uu yaala wasaarada qorsheynta ,markaa dee haddii ay meel u buuxinayso dee inta ay gal gashadaan meel hadhigtaan, ana waxaan ku talo galay Odxa waa hay'add sama-fal ah oo la yaqaano waxii ay qabatay mudadii yarayd ee ay jirtey inta ay qabatay waxaa ay u taagan tahay dibad iyo gudaba waa laga yaqaana,maahana wax qarsoomaya"Ayey tidhi guddoomiyaha hay’adda Odxa Marwo:Faadumo Siciid Ibraahim.