Salaama Schools Oo Caasimada Ka Hir-geliyay Dugsi Hoose Dhexe

7
710

Picture5Hargeysa(Geeska)-Dugsiyada Salaama Schools ayaa balaadhiyay goohabooda waxbarasho, waxaana ay Maalintii Jimcihii xaafada 150-ka ka fureen Dugsi Hoose Dhexe, gaar ahaan Saldhiga Daloodho.

Xafladii Furitaanka Dugsigan Hoose Dhexe ee (Salaama Primary School) waxaa ka soo qayb galay Agaasimaha Waxbarashada Gaarka ah ee Wasaarada Waxbarashada Muuse Maxamed Shide, Maamulka sare ee Salaama Schools, Marti-sharaf iyo dadweyne aad u tiro baddan. Ugu horayn waxaa Xafladaas  ka hadlay Maamulaha Guud ee Salaama Schools Jaamac Muuse, waxaana uu ka waramay Sooyaalkii iyo heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray Dugsigan Salaama Schools.

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Agaasimaha waxbarashda Gaarka ah ee Wasaarada Waxbarashada Muuse Maxamed, waxaana sheegay in talaabadan uu hore u qaaday Salaama Schools ay tahay talaabo ku dayasho mudan, isagoo xusay in dugsiyada noocan oo kale loo baahan yahay, waxaana uu aakhirkii ku bogaadiyay Dugsiga Salaama tayada iyo habka ay u dabaqeen Manhajka Waxbarashada Dalka, waxaana uu Maamulka iyo Macalimiina kula dar-daarmay inay halkaas ka sii wadaan dedaalkooda iyo horumarinta waxbarasho ee la taaban karo ee ay ka hir-geliyeen caasimada Hargeysa.

Dugsigan cusub ee Salaama Schools hir-geliyeen oo ah Dugsi Hoose Dhexe (Salaama Primary School) ayaa ah mid dhismihiisu uu cusub yahay, kaas oo qaabka loo dhisay uu yahay qaab aad ugu wanaagsan habka waxbarashada casriga ah. Dhanka kale Dugsigan cusub ayaa yeelan doona Basas gaar ah oo Ardayda ka soo qaadi doona Xaafadahooda.

Comments are closed.