“Wasaaradda Boosaha Iyo Isgaadhsiinta Markii La Ii Magacaabay Waan Saluugsanaa”

0
3912

Picture6Hargeysa (Geeska) – Wasiirka Wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal, ayaa ka hadlay xilka loo Magacaabay iyo dareenkiisa maalintii ay soo baxday digreetada xilkaasi loogu Magacaabay.

 

Wasiirka wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Mr Abgaal oo ka mid ahaa xubno wasiirro iyo wasiir ku xigeenno oo mudanayaasha golaha wakiiladu ansixiyeen, ayaa ka hor ansixintiisa khudbad uu mudanayaasha u jeediyay ku yidhi “Wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiinta markii la ii Magacaabay waan saluugsanaa, waxaan lahaa wasaaradda laguu Magacaabay waa daaraddii oo kuma jirto wasaaraddaha gudaha ku jira, laakiin markii aan muddo yar joogay waxaan ogaaday inay tahay wasaarad aad iyo aad u qiimo badan”

Wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal, waxa uu sheegay inaan wasaaraddan ilaa hadda aanay gaadhin ujeedooyinkii loo sameeyay “Waxaad moodaa in ujeedooyinkii wasaaraddan loo aasaasay aanay sideedii ilaa hadda u hirgalin, maaha raggii iga horeeyay ayaan shaqeynin, laakiin duruufo jiray awgeed mat hirgalin” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Isgaadhsiinta dalkeena waxa maamula oo gacanta ku haya shirkaddo madax-banaan, shirkaddahaasi waa shirkaddo dhaqaale ahaan aad u hana qaaday, annagii la rabay inaanu ilaalino oo aanu kaantaroolo ayaa aad uga hooseyna, aadna way nooga fogaadeen”