Hooyooyin Ay Ka Tageen Mujaahidiintii SNM Oo Madaxtoyada Cambaareeyay

0
662

Picture4Hargeysa(Geeska)-Afar xaas oo ka mid ah xaasaskii saraakiishii mujaahidiintii SNM oo ay ka mid tahay xaaskii mujaahid Maxmaed Cali,ayaa ka hadlay markii ugu horaysay xadhig iyo tacadiyo loo gasytay ka dib markii ay boodhadh la hor istaageen madaxtooyada.

Waxaanay sheegeen in loo sheegay in is hortaagoodaas madaxtooyadu  uu ka cadhaysiiyay madaxweynaha iyo marwadiisa sidaasna lagu xidhay. Waxaanay sheegeen in ay is hortaaga madaxtooyada ku kaliftay ka dib markii ay waayeen wado ay u maraan madaxweynaha oo ay doonayeen inay  la kulmaan si uu uga taageero dhibaatooyin nololeed oo haysta.

Kinsi Yuusuf Maxamuud oo ah xaaskii mujaahid Ibraahin Jaamac Dhiif oo ka warbixinaysay  waxay u socdeen iyo waxa soo gaadhay waxay tidhi “Waxaanu ka soo kicitanay Burco,waxaanan halkan u nimid madaxweynaha boodhadh inaan qaadanana waxan nagu kalifay laba jeer oo hore ayaanu halkan nimi waxaana nalagu yidhi cid idiin gayn kartaa ma jirto,waxaanan is weydiinay sida aanu madaxweynaha ugu tagi karno boodh ayaanan soo iibsanay oo aanu ku soo qornay astaantii SNM iyo magacyada ragayagii,waxaanu islahayn markiiba waxa la odhanayaa maxaa toloow dhacay oo markiiba soo dhaaf ayaa laydin odhan doonaa,laakiin sidaas may noqon,inamo yar yar oo warbaahinta ka mid ah oo nagu soo baydhay oo wax naga duubayna sidaas uun baanu u sheegnay. Telefoon ayaa la diray waxaana markiiiba na soo gaadhay ciidan dhan oo gawaadhidii nagu guray oo saldhiga dhaxe nagu tuuray iyada oo ay si xun noo baadhay inan yar oo inantayada leeg,waanan ku qadnay meshii oo anaga oo aan maalintii waxba cunin ayaan habeenimadii goordanbe wax naloo keenay,ubadkayagii feedh iyo laad ayaanu kaga soo saarnay waxbarashadii ileen ragii u shaqayn lahaana waa kuwaas ka dhintaye,imikana in badda qabatay iyo in na hortaagan oo aanan jaamacadna u ahayn oo aanaan shaqo rasmiyana u ahayn ayay isugu jirtaa.”

Xaaskii alle haw naxariistee Mujaahid Maxmaed Cali, Sahra Muuse ayaa iyadu dhankeeda xukuumada iyo madaxweynaha u soo jeedisay dhaliilo waxaany ka warantay sida loola dhaqmay “ Waxa nalagu yidhi markii nala soo daayay waxaad samayseen wax bilaa sharaf ah,waxaad samayseen inqilaab halkaad boodhka isla taagteen basku  isma taago,hadana ka baxa kadinka mar danbe haddii aad hadashaan ama meel aad taagantahiin la arkana tukaanta laydin kala xishoon maayo,waan la yaabnay arinkaas,waxaanan ku nidhi haddii Somaliland oo ah wadankii ragaygu ay u dhinteen nalagu xidhay khalad kastaaba waa dhacaaye madaxweynii ma noo yeedhayaa oo mana horgeynaysaan,waxaanay nagu yidhaahdeen madaxweynaha iyo marwadiisaba arki maysaan oo way cadhaysan yahiin halkaas waliba ka baxa. Haddaba arinkaas waanu ku canci weynay. Madaxweynaha waxaanu u sheegaynaa waxaanay madaxtooyadu qaldin in aanay qaldamin hadii markii aynu is arki lahayna ismaanu aragneen qoladan wada tashiga iyo toosinta.waxaan u sheegayaa madaxweynah inaanay qaldanayn wax aanay xukuumadu qaldin.”  

Sidoo kale iyaduna waxa halkaasi ka hadashay, Saado Maxamuud  oo ah xaaskii Mujaahid Carab Ileeye Samatar (Jiibab-baa Iman) “Saddex goor ayaanu Hargeysa nimid anaga oo Burco uga soo kicitinay inaanu Madaxweynaha aragno, markii hore waxa aanu la kulanay nin la yidhaa Ina-Awr Liqe, waxa uu nagu yidhi miyeydaan qabiil ka dhalan, waanu yaabnay oo waanu iskaga tagnay, mar labaadkii ayaa hadana waxa aanu meel ka helnay Maxamed Kaahin waxaanu nagu yidhi anigu halkaa idin gayn kari maayo, haddaba markaanu yaab la kulanay ee labadaasi jeerba aanu iska noqonay, ayaa waxa aanu nidhi naa mar saddexaad Boodhkaa inoo sameeyoo aynu Madaxweynaha la hor istaagno, Boodh magacyadii ragayagu ku yaalaan oo aan wax turxaan ah lahayn, ha la idinku garto oo ha la idiin yeedho oo Qaramayn ha la idiin sameeyo ayaanu lahayn. Mujaahidiintan aanu hadda la fadhino magacyadooda mooyaane waax naga dhexeeyey wale iyo bile ayay naga tahay, aniga laba Inan ayaa iga dhintay, waxaan is lahaa maalintii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu dalka qabsaday labadii inan ee iga dhintayba waxaan lahaa way soo noolaadeen oo caruurtaadii agoonta ahayd aabo ayay yeelatay. Waxa Nala Kulmay markaani is nidhi Aabihii SNM ayaa dalka haysta ee aanu boodhkii la kala baxnay ayaa meeshiiba waxa aanu ugu soo galnay sidii ninkii yidhi "inanku Geela uma go'o umana gaajoone, haduunbuu usoo galay sidii naag la guursadaye" rag sidii naag la guursaday oo aan meeshaba usoo dhididin ayuunbaanu rag kale ugu soo galnay. dee markii nala soo daayey ee aanu cadhoonay ayaa waxa nalagu yidhi hadii aad juuq dambe tidhaahdaan sabada la idinka xishoon maayo, wax aanaan mutaysan oo meeshaasi naga qabtana may ahayn arintaasi.”

Qaaliya Yuusuf Axmed oo ah xaaskii Mujaahid Xiis Maxamed Cali Qoys, ayaa iyaduna dhankeeda sheegtay inay arinkaas aad uga xunyahiin,waxaanay ka warantay dhibka soo gaadhay.