Sakatiga Iyo Walbahaarka Badani Waxa Ay Jidhka Ku Kaydiyaan Milixda Oo Halis Ku Ah Caafimaadka: Diyaariye Kamaal Axmed Cali

0
828

 

New York (Googooska Geeska)- Koox khubaro ah oo ka tirsan jaamacadda New York ayaa daraasado cilmi nafsiga la xidhiidha oo ay sameeyeen ku ogaaday in skatiga iyo walbahaarku ay si weyn uga qayb qaataan in milixda jidhkeenna gashaa aanay guban, taas oo halis ku ah caafimaadka qofka. Cilmi baadhayaashani waxa ay xaqiijiyeen in in ku dhow boqolkiiba 30 dadka Maraykanka ah ee asalkoodu yahay Afrikaanka ay jidhkooda ku ururto xaddiga ugu badan ee milixda ahi, arrintaas oo sabab u ah in ay mar kasta ka caafimaad liitaan dhiggooda caddaanka ah oo dabcan duruufahooda nololeed aad u kala duwan yihiin.

Daraasaddan wxaa lagu ogaaday in marka dadka Maraykanka asalkoodu Afrikaanka yahay hai ay la kulmaan duruufo nafsiya oo ku beeraya walbahaar iyo sakati ama cabsi nafsiya  uu jidhkoodu kaydsado qiyaas ah illaa 160 milligram oo milix ah, taas oo keenta in dhiiggoodu uu kor u kaco. Sida aynu daraasado hore ku soo aragnay milixda oo jidhkeenna ku badataa waxa ay keentaa cudurro tiro badan oo ay ka mid yihiin wadne xanuunka iyo noocyo kansarka ka mid ahi.