Hargeysa: Ayeeyo Ka Qalin-Jabisay Jaamacad

0
556

Hargeysa (Geeska) – Iyadoo sanadba sanadka ka dambeeya ayay sii badanayaan ardayda dhameysatay waxbarashada heerka Jaamacadeed ah, ayaa sanadkani ahaa sanad uga duwan sanadadii hore jaamacad ku taala Magaalada Hargeysa, ka dib markii jaamacaddaasi ay dhamaysatay hooyo sagaal carruur ah dhashay, iyada oo xafladda qalin-jabinteeda ay kala soo qayb-galeen iyada hooyadeed, 7 ka mid ah carruurteeda iyo gabadh yar oo ay ayeey u tahay oo ay gabadheedu dhashay.

Ubax Cumar Gaafane, oo sanadkan 2013-ka Jaamacadda Alpha ka dhamayatay kuliyadda (Management Information System) oo ah habka Maamulka isgaadhsiinta, ayaa hadda da’deedu tahay dhowr iyo afartan jir, waxayna sanadkii 1982-kii dugsiga sare ku dhamaysatay Gobolka Gabiley oo ah halka ay ku dhalatay.

Ubax ayaa sharaxaysa in muddo 25 sanadood ka badan ka dib ay fasal Waxbarasho dib u fadhiisato “Markii dalka lagu soo noqday waxaan isku dayey inaan waxbarashadeydii dib u baadh-baadho, dugsiyo sare wakhtigaa Maan gali karayn, Jaamacaduhuna ma furnayn oo wakhtiyo dambe ayay bilaabmeen, laakiin haddii ay ahaan lahayn luuqada Ingiriisiga, haddii ay ahaan lahayn barashada koombuutarka oo kale oo wakhtiyadaa cusbaa, laakiin aan wakhtigayagii aan jirin, markaa anniga oo degganaa Magaalada GabPicture1iley, waxaan ku dedaalay inaan barto Ingiriisiga iyo Koombuutarka oo cusbaa, oo aan aqoontaydii siyaadiyo, kuwaas ayaanan ka soo bilaabay, ka dib waxaan Tv-yada ku arkay xayeysiiska kuliyadda (Management Information System) oo aan xiisaynayey, markaa sanadkii 2010-kii ayaan is-diwaangaliyey Jaamacadda”

Ubax oo hadda dhamaysatay Jaamacadda, ayaa waxay mudadaa garab waday shaqada guriga iyo shaqada ururka NOW oo ay ka tahay Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta, waxayna ka hadlaysaa sida ay ugu suurtogashay inay hawlahaas isku waddo “Hawshu ku xidhan tahay dedaalka iyo kartida qofka, hooyadu iyada oo hawshii guriga haysa ay qaadato go’aan way ka midho dhalin kartaa hamigeeda, anniga laftaydana markii aan jaamacadda is-diwaangaliyey si yar oo fudud oo kaftan ah ayay ahayd, markii aan xaafadda ku noqday ee aan tusay warqaddii aan Jaamacadda isku-diwaangaliyey wax aad loola yaabay oo la igu wada qoslay ayay ahayd, haddii ay odeyga tahay iyo haddii ay carruurta tahayba, waxaana la igu yidhi wax ku qabta ayaad la’dahay iyo waad soo waalanaysaa, sideebaad xiligan waxbarasho u gali kartaa” ayay tidhi waxayna intaa ku dartay “Hooyada dhalaysa waxa laga yaabaa inay ku adag tahay (Waxabarashadu), laakiin hooyada carruurtu ka waaweynaadeen ee ay ismaamulayaan dad is laaleeg ayuunbaanu nahay oo jadwal ayuunbaa naga dhexeeya, markaa taas ayaa ii suurtogalisay, in Hablahayga oo I laaleeg ay intaan Maqanahay Baahida guriga ay sii daboolaan intaan Maqanahay, taasi ayaa odhan karaa inay ahayd waxa fursadda ii siisay”

Hodan, waa gabadh yar oo ay ayeey u tahay Ubax, waxay ku jirtaa dugsiga hoose, mudadii ay Ayeeydeed ku jirtay Jaamacadda, waxay habeenkii ku ag-akhrisan jirtay duruusteeda sida ay ii sheegtay “Annigu waan akhrisan jiray, ayeeydayna way akhrisan jirtay, annigana casharada ayay ii akhriyi jirtay, Markaa Anniguna waxaan doonayaa inaan sida Ayeeyday oo kale aan Jaamacadda dhamaysto”ayay tidhi Hodan yar “Si Wanaagsan ayaan u arkayey in Ayeeyday ay inta badan wax akhrisato, aad iyo aadna waan ugu faraxsanaa”

Ubax, waxa kale oo ay is-barbar dhigeysaa dareenka qoyskeeda markii ay ku soo casuuntay Xafladdii qalin-jabinteeda iyo markii hore ee ay Jaamacadda is-diwaangalisay “Markii aan u geeyay warqadii aan isku soo diwaangaliyey, waxay noqotay wax aad loola yaabay oo la igu wada qoslay, Laakiin (Maalintii Qalin-jabinta) dareen aad u layaab badan (ayay Muujiyeen) xitaa qolyihii dibadda ayaa ku sigtay inay tigidho soo goostaan, iyaga oo markii hore ila yaabayey oo I lahaa ma rumaysan karayno jaamacad-baan dhigtaa ee markaad koofiyadda qalin-jabinta xidhato ayaanu rumaysan doonaa, tiina hortooda ayay timid oo xafladdii qalin-jabintu waxay dhacday 2-dii October 2013-ka, qoyskaygana cid ka maqnayd may jirin”

Ubax, shaqada ugu horeysa ee ay qabataa waa shaqada guriga, waxay carruurta u diyaar-gareysaa dugsiga “Subaxdii waxaan kacaa Salaada Subax, wixii baylah guriga ii taala, haddii ay tahay qureec la samaynayo iyo haddii ay tahay carruurta iskuulka tagaysa, wixii balayh guriga ii taala markaan dhamaystiro, ayaan u ambo-baxaa goobta shaqadayda”

Hodan Cabdiraxmaan, waxay waxbarashada Jaamacadeed waxa dhamaysteen Ubax, waxayna dugsigii sare isku fasal ahaayeen wiil ay dhashay Ubax, waxay sharaxaysaa sida ay waxbarasho u wadaageen qof ay aad u kala da’weyn yihiin “Ubax, waxay ahayd hooyada Fasalka ugu weyn, waxay ahayd qofka Fasalka hogaaminaya, fasalkayagu wuxuu ahaa 16 hablood iyo 4 wiil, Ubax waxay ahayd qofka na hogaaminaya waxayna ahayd qofk waxbarashada aad ugu dedaasha, waxayna ka cad-cadeyd dad ka yar yar xagga waxbarashada” ayay tidhi Hodan Cabdiraxmaan, waxayna intaa ku dartay “Annagu Ubax inankeeda ayaanu dugsiga sare ka wada baxnay, haddana Ubax ayaanu (Isku Jaamacad ahayd) waa wax aad loogu farxo”

Cabdiraxmaan Maxamed Maal, waa Guddoomiyaha Jaamacadda ALPHA, waxa uu Ubax ku tilmaamay qof ku dayasho Mudan “Ubax, waa qof aad iyo aad u dedaashay oo ku dayasho Mudan, si weyna u soo dedaashay, wakhti badana siisay inay wax barato”ayuu yidhi.

Ugu dambayn, Xafladda qalin-jabinta Jaamacadda ka sakow, Ubax qoyskeedu waxay u sameeyeen xaflad gaar ah oo ay ku bogaadinayeen waxbarashada jaamacadadeed ee ay dhamaysatay, waxayna ku maamuseen had’yado.