Saddex Dhaqan Oo Raggu Ay Ku Dhaqmaan, Laakiin Ay Qalbi Jab Ka Qaadaan Haddii Ay Xaaskooda Ku Arkaan

0
985

Hargeysa (Geeska)- Khubarada cilmiga bulshada qaarkood waxa ay ninka ku tilmaamaan in uu yahay xidhmo shucuur daahsoon ah, oo aan si dhayal ah u qarxin ama dibadda ugu soo if bixin, taas oo ay uga jeedaan in dabeecadda ninka ay tahay in aanu si dhayal ah u muujin shucuurta rasmiga ah ee qalbigiisa ku jirta, gaar ahaan marka ay tahay arrin uu u arkayo in ay jileec iyo liidnimo ku keeni karto ragannimadiisa. Dhinaca kalana waxaa ninka lagu tilmaamaa noole in la fahmaa ay aad u adag tahay, shakhsiyad kibir iyo qab badan oo jecel in mar kasta ay sarrayso gaar ahaan marka ay gabadh tahay cidda la barbar dhigayaa iyo sidoo kale ninku waa ruux naftiisa ka door bida wax kale oo kasta oo wax badan oo aanu ogolayn in loo quudho isagu qayrkii u quudhi kara. Haddaba qormadeenna maanta waxa aynu ku soo qaadanaynaa dhowr dhaqan oo la og yahay in ragga ay marar badan ka suurtogasho in ay ku kacaan, laakiin haddii ay xaasku kula kacdo ama ay ka dareemaan ku noqota qalbi jab mararka qaarkood halis ku ah jiritaanka qoyska.

1. Beenta: Laga soo bilaabo bilowga is-barashada lammaanaha, illaa inta ay ku soo wada jiraan dariiqa jacaylka ee dheer, ee ku soo hoggaamiya guurka waxa uu gabadha u sheegaa beeno badan, tusaale ahaan waxa uu u sheegaa mushahar ka yar ka’ uu qaato, waxa uu uga sheekeeyaa qaab nololeedka uu ku dhiqi doono oo ah hillaac uu ku qabsanayo maskaxda gabadha iwm. Sidoo kale marar badan ayuu been ka sheegaa su’aalaha ay weydiiso. Laakiin isagu uma adkaysto beenta, waxaana laga yaabaa in uu qalbi jab iyo nacayb u qaado xaaskiisa haddii uu dhowr jeer oo kala duwan ku arko been, weliba waxa ay u dhowdahay in uu aamino in ay tahay ruux beenaale ah oo aan aamin dambe lahayn.

2. Qabka: Ninka waxaa ku beeran qab ah in uu gabadha ka sarreeyo, ka awood iyo karti badan yahay, ka garasho iyo aqoon badan yahay, arrimahaas oo aan mar kasta sidaa run u wada noqon. Laakiin waxa uu ka dhintaa in gabadha uu guur ka damcay uu ka dareemo kibir iyo isla weyni. Waxa ay khubarada cilmiga bulshadu sheegaan in ninku jecel yahay inuu ka gun gaadho gabadha uu kibir ku dareemo oo aanu ka hadhin illaa uu dhulka soo dhigo, laakiin haddana aanu marnaba ka doonin mustaqbal iyo qoys in ay wada yagleelaan.

3. Safarka: Ninku waxa uu jecel yahay safarka badan iyo socdaalka, laakiin socodka badan iyo safarka midna uguma dul qaato xaaskiisa, waxaana in badan dhacda qoysas ku burbura socod badni ama safar badni gabadha uu ninku ku tuhmayo, dareennada kale ee loo aaneeyo nacaybka ninka ee safarka badan, waxaa ka mid ah hinaasaha. Si kastaba ha ahaato ee safarka badani waa dhaqan uu ninku jecel yahay laakiin aanu gabadha ugu dul-qaadan.