Saddaam Oo La Ogaaday In Aanu Ku Jirin Qabrigii Lagu Aasay Iyo Tuhunnada La Xidhiidha La Bixista Maydkiisa

58
3864

Baqdaad (Geeska)- Maalin ciid Caraf ahayd oo ku beegnayd 30kii Bishii laba iyo tobnaad ee sannadkii 2006 ayaa madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq Saddaam Xuseen lagu fuliyey xukun dil daldalaad ahaa oo ay maxkamadi ku ridday. Isla habeennimadii la dilay ayaa ay xukuumadda Ciraaq soo saaray qoraal rasmi ah oo qoyska Saddaam Xuseen ee maydkiisa la siiyey ku qasbaysa in ay dhaqso ugu aasaan tuulihii uu u dhashay oo Cawjah lagu magacaabo. Qoyska oo amarkan fulinaya ayaa aas ay ka soo qayb galeen dad kooban oo qoyska iyo hoggaamiye dhaqameedka qabiilka uu ka dhashay isugu jira, waxa ay Saddaam Xuseen ku dhex xabaaleen hoolka soo dhoweynta ee xarun dawladeed ay xukuumaddiisu ka dhistay tuulahan.

Saddaam Xuseen waxaa la dilay isaga oo illaa ilbidhiqsigii ugu dambeeyey ee noloshiisa aaminan in uu yahay hoggaamiyaha rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Ciraaq, maalintii la dilayna waxaa dareenno aad isu burinaya ku qaabilay muslimiinta dunida oo u qaybsamay sunni aad uga xumaaday, ama ugu yaraan diiday munaasabadda lagu beegay oo ay u arkayeen daandaansi iyo badheedh iyo shiicada oo shaaracyada Ciraaq ka dhigay damaashaadyo waaweyn iyo dabrid ay ku faraxsan yihiin dilka hoggaamiyahan, oo ay ku eedeynayeen in xukunkiisii uu cabudhin, takoor iyo dil arxan darro ah ku hayey.

Muddo kaddib qabriga Saddaam Xuseen waxa uu noqday maqaam ay booqdaan ehelkiisa, dadka tuulihiisa, iyo xitaa ardayda dugsiyada iyo gabayaa kala duwan oo gabayo baroordiiq ah ka dul marin jiray. Markii dambe tuulada Cawjah waxaa qabsaday xoogaggii DAACISH oo 2014 kii qabsaday, kaddib waxaa xoog kula wareegay dawladda Ciraaq oo adeegsanaysay maleeshiyo Shiico ah oo jiritaankoodu muran badan dalkaas ka abuuray.

Maanta qabrigii oo dhisnaa iyo dhismihii uu gudihiisa ku yaallayba dhulka ayaa la’ la simay, masuuliyiinta maleeshiyada Shiicada ee deegaanka qabsatay waxa ay ku andacoonayaan in qabriga ay burburiyeen diyaaradaha dagaalka ee Ciraaq, markii uu socday dagaalkii tuulahan lagaga saaray ururka DAACISH, warar kale oo isla kooxahan iyo dawladda Ciraaqba laga helay ayaa iyaguna sheegay in ururka DAACISH uu qabriga Saddaam Xuseen burburiyey markii ay Cawjah haysteen iyaga oo sheegay in ay ka baqayaan in dadku goob cibaado u niyoodaan. In goobtan la qarxiyey waxaa isaguna aaminsan Sheekh Manaaf Cali A-Nuda oo ah caaqilka jufada Albu-Naasir oo uu ka dhashay Saddaam Xuseen, imikana baxsi ugu nool magaalada Arbiil ee gobalka Kurdiyiinta Ciraaq.

Caaqilku waxa uu sheegay in Qabriga Saddaam Xuseen la faqay oo marka hore maydka ay xabaashan ka saareen, kaddibna ay qarxiyeen goobta iyo dhismaha uu qabrigu ku dhex yaallayba.

Magaalada Cawja weli dadkeedii qax ayaa ay kaga maqan yihiin oo waa cid la’ waxa aana gacanta ku haya maleeshiyada Shiicada Ciraaq ah ee dawladda ka barbar dagaalamay. Kuwaas oo gelitaanka magaaladan looga fasax qaadanayo. Qoyskii dhowaa iyo qaraabadii tooska ahayd ee Saddaam Xuseen waa ay ka wada qaxeen dalka Ciraaq, iyaga oo ka baqanaya aargoosi ay kula kacaan Shiicadu.

Mee Qabrigii Saddaam

Ilaa hadda jawaab rasmi ah looma hayo, halka uu ku dambeeyey maydka Saddaam Xuseen, iyo sida looga saaray qabriga midna?

Waxaa lagu muransan yahay in maydkii laga saaray qabriga, haddii laga saarana,y meel la geeyey aanay cidi garanayn. Sheekooyin badan ayaa la sheegaa, waaa ka mid ah mid sheegaysa in nin aargoosi u socday uu la baxay maydka oo kaddibna inta uu gubay, dambaskii iska daadiyey, waxaa jira dad kale oo iyagu weli aaminsan in aan maydka Saddaam laga saarin qabriga, ee keliya dusha lagaga dumiyey. Waxaa iyaguna isla goobtan Saddaam Xuseen kula aasnaa labadiisii wiil ee Cudday iyo Qusay iyo wiil uu awoow u yahay oo ay Maraykanku dileen, waxa kale oo ku jira qabriga Cali Xasan Almajiid oo ay walaalo dhinaca hooyada ah ahaayeen SAddaam Xuseen, kana mid ahaa dawladdiisa. Cali Xasan Almajiid waxaa isagana lagu fuliyey xukun dil ah oo ku eedeynayey in uu sumeeyey tuulayaasha Kurdiyiinta Ciraaq. Xabaalahan kale ayaan iyaguna muuqan oo burburku saameeyey, lamana oga in maydkii ku jiro qabriga iyo in la saaray midna.

Dadka reer Ciraaq qaarkood ayaa iyaguna aaminsan in inantiisa Raqda Saddaam ay qabriga u soo dirtay rag si gaar ah u tababaran oo qarsoodi inta ay kula baxeen maydka, u geeyey inantiisa raqda ee ku nool dalka Urdun, halkaasna ay iyadu ku aastay.

Dadka tuulaha Cawjah iyo ehelkii Saddaam Xuseen waxa ay isku waafaqsan yihiin in aanu maydka Saddaam ku jirin qabriga, isla markaana aan illaa hadda la garanayn meel loo qaaday maydka iyo cidda qaadday midna. Waxa aan isagana la haynin qabrigii Xuseen Almajiid oo ah Saddaam aabihii oo ku aasnaa xaabalo kale oo isla tuulahan ku yaalla.

Waxaa xiise gaar ah leh in Saddaam Xuseen oo dilkiisii laga joogo 12 sano, ay dadka reer Ciraaq qaar badan oo ka mid ahi rumaysan kari waayeen in Saddaam Xuseen la dilay. “Waa khiyaamo, Saddaam Xuseen cidi ma dilin, waxaa la dilay mid ka mid ah dadkii raggii aadka ugu ekaa ee uu ku dhuuman jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here