Muusku Waxa Uu Barafka (Ice-Cream) Ka Ilaaliyaa In Uu Dhaqso U Dhalaalo / U Biyoobo

24
2883

Hargeysa (Geeska)- Cilmibaadhayaal ayaa xal u helay dhalaalka uu Jallaatuhu si dhaqso ah u biyoobi jiray. Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Guelph ee dalka Kanada, ayaa baadhisahooda ku ogaaday in diirka sare ee muusku waxyaabaha uu ka samaysan yahay uu ka mid yahay, organno isku dhisyo kiimaad ah oo oo lagu magacaabo Cellulose. Kuwaas oo haddii Jallaatada lagu daro ka dhiga mid dufan badan isla markaana aan hore u dhalaalin.

Natiijadan cusub ayaa lagu soo bandhigay kulan ay isugu timid jimciyadda Kiimikda ee dalka Maraykanka oo magaceeda loo soo gaabio (ACS), xarunteeduna tahay magaalada New Orleans. Waxa ay cilmibaadhayaashu caddeeyeen in ay ogaadeen in maadaddani ay sida oo kale wanaajiso dhadhanka jallaatada, isla markaana ay ka saarto dufanka badan ee aan caafimaad ahaan fiicnayn. Waxa ay sheegeen in 100 giraam ee Jallaato ahba ay ku filan tahay 0.3 Giraam oo ah maadaddan muuska laga helayo.

Daraasaddan ayaa lagu wadaa in ay sabab u noqoto in isbeddel yar lagu sameeyo qaabkii hore ee loo samayn jiray jallaatada. Waxa ay khubaradu imika wadaan baadhitaanno dheeraad ah oo ay ku samaynayaan maadaddan Muuska ku jirta, iyaga oo si gaar ah u xiisaynaya in ay ogaadaan sida ay maadaddani u awoodday in ay saamayso noocyadii kala duwanaa ee dufanka ee marka hore jallaatada ku jiray, sida saliidda qumaha, iyo dufanka caanaha oo laga sameeyo.

Muddo ayaa ay khubarada saynisku wadeen baadhista xal waara oo lagaga hortegi karo dhalaalista degdegga ah ee jallaatada ku dhacda marka laga oo saaro tallaagada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here