Sabool Naxashyada Sameeya Oo Dhagax Gurigiisa Ku Soo Dhacay Uu Ka Dhigay Bilyaneer

0
893

Nijaar u dhashay dalka Indooniisiya oo ka shaqeeya samaynta naxashyada ayaa habeen iyo dharaar dhexdood maalqabeen noqday kaddib markii uu gurigiisa ku soo dul dhacay dhagax ah shuhub (Cir ka soo dhac) miisaankiisu ka culus yahay 2 kiiloogaraam, oo lagaga iibsaday lacag dhan 1.8 milyan oo doolar. Sidaas waxaa qoray Wargeyska ‘Metro’ ee ka soo baxa dalka Ingiriiska oo warbaahinta dalka Indooniisiya soo xigtay.

Josua Hutagalung oo ku nool tuule lagu magacaabo Sumatra ayaa maalin ka mid ah horraantii bishii Ogosto isaga oo ku dhex jira hawlmaameedkiisa caadiga ah waxa uu mar keliya maqlay dhawaq aad u dheer oo marka hore dhinaca cirka soo socda, ilbidhiqsi gudihiina isu beddelay sanqadh daran oo gurigiisa gudihiisa ka soo baxaysa.

Bilowgii hore cabsi aad xun ayaa gashay, laakiin markii uu eegay gudaha waxa uu arkay dhagax leh muuqaal aanu hore u arag oo inta uu saqafka birta ah soo jiidhay guriga gudihiisa dhulka 15 sentimitir hoos u galay. Walaxdii dhagaxa ahayd ee dhulka gashay ayaa uu soo saaray isaga oo weli diirran sida uu idaacadda BBC da qaybteeda Indooniisiya la hadasha u sheegay. Isaga oo intaas ku daray in markiiba uu galay dareen ah in dhagaxani uu samada ka soo dhacay, maadaama oo miisaankiisa, awooddiisa iyo xawaaraha uu ku socday, iyo diirimaadka u uku arkayba aanay suurtagal ka dhigayn in gacan bani’aadam soo tuurtay. Josua waxa uu shabakadda Facebook ku faafiyey sawirro uu dhagaxii ka qaaday, taas oo ka dhigtay sheeko warbaahinta bulshada si aad ah ugu faaftay oo dunida oo dhan gaadhay.

Xeeldheereyaal kala duwan oo caalamiya ayaa arrintan xiiseeyey, laakiin xayiraaddii COVID-19 ka oo waqtigaas Ogosto adkayd ayaa sababay in aan loollan iibsi ah la isugu iman guriga Josua oo ugu dambayntii dhagaxan lacag dhan 1.8 Milyan oo doolar kaga iibiyey xeeldheereyaal Maraykan ah. kaddib markii ay iska hubiyeen in dhagaxan aanay wax dhibaato ahi soo gaadhin muddadii uu ninka helay gacanta ku hayey, maadaama oo qaabka loo kaydiyaa ay saamayn ku leedahay, tusaale ahaan in biyo ay taabtaan ay keenayso in uu macno beelo. Jared Collins oo ah nin Maraykan ah oo maadama oo uu Indooniisiya joogay ay soo wakiisheen khubarada dhagaxa iibsatay ayaa BBC u sheegay in dhagaxani uu lahaa ur aanu nooceeda hore u arag oo aanu ereyo ku sifayn karayn.

Si kastaba ha ahaato ee waxaa jira warar soo baxaya oo sheegaya in qiimaha dhagaxaas lagu iibsaday intaas ka badnaa oo khubarada iibsatay iyo mulkiiluhu ku heshiiyeen in la qariyo, lacagta 1.8 milyanka doolar ahina ay tahay lacag dheeraad ah oo lagu kala iibsaday walxo falliidho ah oo dhagaxan ku lammaanaa oo iyaga qudhooduna guriga agagaarkiisa ku dhacay.

Wargeyska Metro waxa uu sheegayaa in dhagaxani uu yahay nooc aad u dhif ah, cimrigiisana lagu qiyaasayo 4.5 Bilyan oo sano.

Helitaanka dhagaxaanta noocan ahi waxa ay saynisyahannada ka caawinaysaa in ay helaan xogo dheeraad ah oo la xidhiidha cimriga dhulka iyo nolosha ka dhex jirta. Waxa kale oo cilmiga muhiim u ah in la fahmo halka ay walaxdani asal ahaan ka timi, waxa ay ka samaysan tahay, iyo waxa ay si guudba koonka ka.

Walaxdan Cir-ka-soo-dhaca ama Shuhubku waa adke ka soo falliidhmay meereyaal ama seefta cirka (Fallaadhaha xiddiga ee marar dhaca) oo ku dhacay meere, ama waa qashin ka soo go’ay walax cireed, kaddibna waxyaabihii la falgalay muddadii soo dhicitaankiisa uu soo dhex maray gibilka, sida lisanka / is xoqidda walxaha kale, cadaadiska hawada, kiimikooyinka kala duwaniyo neefaha gibilku ay sababaan in uu adke noqdo iyo in uu kululaado, mararka qaarkoodna isu beddelo dhimbiil weyn oo olol samaynaysa.