Somaliland: Hooyo Afar Carruur Ah Oo Ay Dhashay Ku Gubtay Deegaan Ka Mid Ah Gobolka Togdheer

0
532

Burco (Geeska) – Deegaanka Naq-dhabiijo oo ka mid ah Gobolka Togdheer ayaa waxa ka dhacay dhacdo Naxdin leh.

Afar Carruur ah oo Walaalo ah ayaa Hooyadood ku gubtay Gurigooda oo ku yaalla deegaanka Naq-dhabiijo oo ku yaalla bariga Gobolka Togdheer, sida uu soo Weriyey Xabiib Cige Xasan oo Telefiishanka HCTV uga soo warrama Gobolka Togdheer.

Laba ka mid ah Carruurta ayaa geeriyooday, halka labadii kale oo dhaawac ah la geeyay Cisbitaalka guud ee magaalada Burco.

Ciidammada Ammaanka ee Gobolka Togdheer ayaa gacanta ku haya Hooyada la sheegay inay carruurteeda dabka qabadsiisay.

Ugu dambayn, lama oga waxa Hooyada ku kelifay falkan naxdinta leh, inay Xanuunsanayso iyo in kale.

 

Geeska.net/Hargeisa Office