Sababta Ay Raggu Dumarka Ugaga Duwan Yihiin Tilmaamidda Jihooyinka Iyo Hab U Socodka Jidadka

0
781

Oslo (Geeska)- Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Sayniska iyo Teknoolajiyadda ee dalka Norway ayaa daraasad ay sameeyeen ku ogaaday in garashada jihooyinku ay ku xidhan tahay hormoonnada, oo tusaale ahaan hormoonnada laboodku ay sabab u yihiin in ninku uu gabadha kaga wanaagsanaado garashada jihooyinka kala duwan.

Cilmibaadhayaashan oo mar hore daraasado ay sameeyeen ku ogaaday in dumarku ay ragga kaga liitaan dhinaca tilmaamta iyo garashada jihooyinka ayaa mar labaad sameeyey tijaabooyin cilmi oo ay ku ogaanayaan sababta, waxaana u soo baxday in Hormoonka Testosterone oo saynisyahannada qaar ku naanaysaan hormoonka labku uu si aad ah u wanaajiyo xirfadda kala garashada jihooyinka iyo in qofku uu si sahal ah u garto jidadka iyo meelaha uu hore u arkay.

Tijaabo ay cilmibaadhayaashu ku eegeen 18 nin iyo 18 dumar ah ayaa markii koowaad caddaysay in raggu ku fiican yihiin tilmaamista deg-degga ah ee jihooyinka iyo sidoo kale garashada jidadka, laakiin markii khubaradu ay dumarkan laftooda carrabka hoostiisa ugu shubtay dhibic ah hormoonka Testosterone ee laboodka, waxaa durbadiiba ay khubaradu arkeen in dumarkii ay sidii hore si ka fiican u garteen tilmaamta jihooyinka iyo weliba garashada dariiqyada iyo shaaracyada, oo tusaale ahaan halkii marka hore haddii ay meel tegeyaan ay marayeen jidka dheer ee markii hore la tusay uun, laakiin markii hormoonka la siiyey la arkay iyaga oo iskood u raadinaya oo weliba helaya jid ka dhaqso badan kaas dheer oo tegeya halka ya rabaan.

Arrinta kale ee xiisaha leh ayaa ah in raggu marka ay meel ku socdaan ay maraan jid  toosan ama jidadka muhiimka ah, laakiin dumarku iyaga oo jidka dheer maraya haddana ay leex leexdaan ama hadba dhan ka wareegaan, taas oo khubarada cilmibaadhistu ay ku macneeyeen in ay ka timid dabeecadda socodka gabadhu marka ay suuqa joogto ee hadba dhan iyo suuq ay u baydhayso.