Calaamadaha Beenta Lagu Garto Iyo Kuwo Runta Lagu Yaqaannay Oo Dadka Beenta Sheegaa Ay Ku Dhuuntaan

0
1116

Washington (Geeska)- Haddii aad qof weydiiso su’aal oo uu kuu jawaabo isaga oo si kalsooni leh labadaada indhood u eegaya, waxaa laga yaabaa in markaba u fahamto in uu run kuu sheegayo. Laakiin cilmibaadhayaashii waxa ay imika leeyihiin in indhahaaga oo qofku uu soo abbaaraa ay kaba mid tahay calaamadaha muujinayo in qofku been sheegayo.

iiiiiiiiiiiiiiiiiCilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Michigan ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in fikirka ay muddo dheer dadku aaminsanaayeen ee ah in dhaq-dhaqaaqa si kedis ah ah qofka uga dhaca, sida libiqsiga badan, gacmaha oo uu mar keliya kor u qaado iwm, ay muujinayaan in uu been sheegayo, laakiin markii xeeldheerayaashani ay daraasad ku sameeyeen 120 Fiidyow oo laga soo duubay dembiilayaal maxkamadi dacwado fal-dambiyeed ku qaadayso in ay ogaadeen calaamado aan lagaba filayn oo ay samaynayeen dembiilayaashan kuwooda beenta sheegayey.

Xeeldheerayaashu waxa ay arkeen in dadka beenta sheegaa ay indhaha aad u warwareejiyaan, iskuna dayaan in ay dadka tusaan isku kalsoonaan badan, iyaga oo tusaale ahaan si caadi ah oo kalsooniyi ka muuqato u eegaya indhaha cidda wax weydiinaysa, taas oo xitaa kuwa runta sheegaya ay kaga xariifsan yihiin.

Hab-dhaqannada kale ee ay cilmibaadhayaashu dadkan beenta sheegayey ku arkeen waxaa kamid ahaa in ay wejiga ururinayeen sida ruux aad u cadhaysan ama niyad xun, marmarka qaarkood ay kelmado aan la fahmayn ku gurxamayeen ama kelmadaha meel aanay ku habboonayn dhigayeen sida in iyaga oo Aniga u jeeda ay yidhaahdaan Isaga ama Iyada hadba nin iyo gabadh ka ay yihiin, ama iyaga oo Aniga u jeeda ay yidhaahdaan Annaga. Waxaa intaas u dheeraa xarakaad kala duwan oo madaxoodu samaynayey, indhaha, sunnayaasha, afka iyo gacmaha oo iyaguna dhaq-dhaqaaq samaynayey.