Sababahan Awgood Waxaa Waajib Ah In Aad Maalin Kasta Timir Cunto

0
1286

Timirtu waxa ay ka mid tahay khudradaha nafaqada badan u leh jidhka, waxa ay leedahay faa’iidooyin caafimaad oo tiro badan, qormadan oo aynu ka soo xigannay shabakadda Aljazeera waxa ay soo bandhigaysaa sababahaas caafimaad.

  1. Timirtu waxa ay hodan ku tahay sonkor, sida oo kale waxaa ku jira maaddooyinka Potasium, Phosphorous iyo Magnesium. Waxa kale oo ku badan Faytamiinnada A iyo B. boqolkii Garaam ee kasta ee timir ah waxaa ku jira 275 Kalooriyo iyo 7.5 Garaam oo ah gal / gan nafaqo leh. Khubarada caafimaadka cuntadu waxa ay ku taliyaan in Timirta lagu daro cuntooyinka maalinlaha ah, maadaama oo la ogyahay in ay caafimaadka qofka aad ugu fiican tahay. Haweenayda qoraaga ah ee Cristina de Las Eras ayaa warbixin ay ku baahisay majaladda Miarevista oo ka soo baxda dalka Spain waxa ay ku sheegtay in muddo hadda laga joogo 6 kun oo sano ay beerista timirtu ka soo bilaabatay Koonfurta-bari ee qaaradda Aasiya iyo woqooyiga Afrika, kaddibna ay ku faaftay dalalka uu heerkulka cimiladoodu sarreeyo.

Kaldaawiyiinta (Chaldea) oo ahaa qawmiyad deggenayd konfurta dhulkii loo yaqaannay Mesobotaamiya (Dhulka labada webi oo imika ay dhacaan dalalka Ciraaq, Suuriya iyo Turkigu) muddo lagu qiyaaso qarnigii tobnaad ee dhalashadii nebi Ciise (CS) ka hor, waxa ay timirta u yaqaanneen magaca ah ‘Geedka nolosha’. Midhaha timirta ayaa ay cunto ahaan ugu noolaayeen, caleenteeda iyo dhuuxeeda iyo gankeedana intifaacsan jireen.

Timirtu waxa ay leedahay noocyo kala duwan oo tiro badan, kuwaas oo loo isticmaalo siyaabo kala duwan oo xitaa ay ka mid tahay in noocyada qaar lagu daro cajiinka laga sameeyo khubusta iyo keegga.

Faa’iidooyinka Timirta

  1. Waxa ay la dagaalantaa calool istaagga

Timirtu waxa ay leedahay gan caloosha ka caawiya ka hortagga calool istaagga. Hababka loo isticmaali karo marka caloosha lagu socodsiinayo waxaa ka mid ah in biyo lagu dhex rido oo habeenkii oo dhan lagu daayo, kaddibna subaxda hore la cabbo biyahaas iyo wixii ka hadhay timirtii milantay.

  1. Indhaha ayey u fiicantahay:

Timirta waxaa ku jira Faytamiinka A, oo wanaajiya aragga, isla markaana caawiya daweynta indho beelka habeenkii ama waxa ay Soomaalidu u taqaanno ‘Habeenada’ oo ah cudur ku dhaca indhaha, marar badanna qofku inta uu yar yahay ku bilowda. Qofka habeenada lihi waxa uu si fiican wax u arki karaa maalintii, laakiin habeenkii haddii anau iftiin badani jirin waxaa ku adkaada aragga.

  1. Gaajaday ina illowsiisaa

Timirtu waxa ay innaga caawisaa ka adkaanta gaajada. Maadaama oo ay hodan ku tahay macmacaanno badan, oo uu jidhku si fudud u nuugi karo, waxa ay dhaqso u kaxaysaa gaajada, cunisteeduna waxa ay qofka dareensiisaa dhereg aanu muddo dheer cunto u baahan.

  1. Il ay carruurtu tamarta ka hesho

Timirtu waa il nafaqo oo u fiican carruurta., maadaama oo uu ku jiro xaddi aad u badan oo ah Kaarboohaydarayt iyo sonkor. Waxaa intaas dheer in timirtu ay u fiican tahay dadka jimicsiga sameeya iyo ciyaartoyga, maadaama oo ay caawiso in qofku uu dhaqso u soo ceshado tamarta iyo awoodda ka baxday.

  1. Uur caafimaad qaba

Gabadhu muddada ay uurka leedahay waxaa u fiican in ay isticmaasho timirta, maadaama oo ay u baahan tahay xaddi inta dabiiciga ah ka badan oo Kalooriya ah. Gabadha uurka lihi waxa ay timirta ka heshaa curiyeyaal nafaqo oo muiim u ah, Faytamiinno iyo macdano kale.

  1. Lidka Mariidka

Caadi ahaan waxaa jidhka marar badan ku dhasha sun cilmigu u yaqaanno Mariid oo ka dhalata cuntooyinka uu qofku isticmaalayo. Suntaasi haddii ay jidhka ku badato waxa ay keentaa dhibaatooyin badan oo caafimaad. Haddaba timirta waxaa ku jira maaddooyin aad ula dagaalama ‘Mariidka’  taas oo faa’iidooyinka ka dhasha ay ka mid tahay in calaamadaha gabowgu aanay dhaqso uga soo muuqan maqaarka, isla markaana waxa ay yaraysaa waxa loo yaqaanno jirridaha xorta ah oo ka mid ah sababaha keena calaamadaha gabowga iyo xanuunka kansarka.

  1. Caafimaadka maskaxda

Cunista timirtu waxa ay wanaajisaa shaqada maskaxda, waxa aanay xoojisaa baraarugsananata maskaxda iyo dhugmadeeda.

  1. Waxa ay dawo ka tahay hurdo la’aanta

Timirta waxaa ku jira asiidhka amiino ee loo yaqaanno ‘Tryptophan’ oo dhiirrigeliya samaysanka hormoonka Melatonin oo ah hormoon ay soo saaraan qanjidho maskaxda ku yaalla, oo kaalin weyn ka qaata nidaaminta heerarka iyo wareegyada kala duwan ee hurdada aadamaha, sidaas awgeed dadka qaar waxa ay hormoonkan ku tilmaamaan hormoonka hurdada.

  1. Waxa ay yaraysaa Kalastaroolka dhibta leh

Xaddiga badan ee ganka ku jira timirta awgeed, waxa ay yaraysaa heerka Kalastaroolka dhiigga raaca.

Talooyin muhiim ah

  1. Timirtu si la mid ah cuntooyinka kale qaarkood waxa ay u baahan tahay hab gaar ah oo loo xafido. Waxa ay xeeldheereyaashu sheegeen in habka ugu fiican ee timirta loo kaydin karaa uu yahay in lagu rido weel engagan oo dabool aad u adag leh, sida quraarad ama caag. Kaddib waxaa timirta lagu hayaa meel ka fog ilayska. Habkaas ayaa ah sida ugu fiican ee muddo dheer lagu ilaalin karo tayada timirta.
  2. Xilliga qofku uu ku jiro qorshaha cunto ee uu miisaanka ku dhimayo, waxaa waajib ah in uu xaddi aad u yar ka cuno timirta, maadaama oo Kalooriyaha badan ee ku jiraa uu miisaanka kordhinayo ama in uu miisaan dhaco uu caqabad ku noqonayo.
  3. Timirtu uma fiicna dadka qaba xanuunka macaanka, sababtuna waa xaddiga aadka u badan ee sonkorta ku jirta ah oo sababi kara in macaanka dhiiggu uu kaco. Sidaas awgeed waxaa muhiim ah in qofka macaanka lihi uu xaddi aad u yar ka cuno timirta.
  4. Cunista timirtu waxa uu keeni karaa suuska ilkaha ku dhaca, sidaas awgeed waxaa waajib ah mar kasta oo timir la cuno si fiican loo nadiifiyo ilkaha.