“Waa Ayaan-daro In Xeerka Doorashooyinka Ay Ka Wada Maqnaadaan Saam-qaybsiga, Kootada Haweenka & Beelaha Laga Tirada Badan Yahay”

0
511

Hargeysa (Geeska) – Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale oo ka mid ah Mudaneayasha Golaha Wakiilada Somaliland ee ka soo jeeda Gobolka Awdal, ayaa wax lala yaabo iyo sharci daro ku tilmaamay in Golaha uu ka tirsan yahay uu laalo  saam-qaybsiga kuraasta Beelaha darafyada Somaliland,  kootada haweenka iyo Beelaha laga tirada badan yahay.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Somaliland beel qudhi ma degto ee beelo badan baa wada dega, Somaliland beel qudhi ma leh ee beelaha wada dega ayaa wada leh, laakiin go’aankii maalintii dhawayd Golaha ka dhacay ee lagu ansixiyey Xeerkii Doorashooyinka ee aan xaqiiqada ka turjumayn wuxuu daliil u yahay in beel qudhi ay Somaliland leedahay, beeshaas oo ah beesha dhexe, waa ayaan-daro in in Xeerka Doorashooyinka ay ka wada maqnadaan  saam-qaybsiga, Kootada haweenka iyo beelaha laga tirada badan yahay, cidna looma tudhin, waxay ahayd in xal laga gaadho tabashada saami-qaybsiga oo aanu helno kuraasta aanu xaqa u lahayn, waxay ahayd in xal laga gaadho arinta is xambaarka, maxaa yeelay meelo badan oo Somaliland ka tirsan baan Doorasho laga qaban karin, waxay ahayd in xal laga gaadho oo la daayo Kootada haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay..”

Mar uu ka hadlayey Dastuurka ayaa yidhi “Dastuurka Somaliland wuxuu u baahan yahay in wax ka beddel iyo kaabis lagu sameeyo, Dastuurku maaha Kitaab quraan ah oo aan la taaban karin ee dib ha loo furo, wax ka beddelna ha lagu sameeyo, si aynu wax u wada yeelano, oo xaq daro ma rabno ee waxaa qudha ee aan u rabnaa waa waxaanu xaq u leenahay”