Nin Ay Maxkamadi Ku Ridday Xukun Ah In Aanu 25 Sano Tegin Maqaaxiyaha Magaalada London

0
671

Picture1London (Geeska)- Xukun lagu tilmaamay kii noociisa ugu horreeyey ee ka dhaca dalka Ingiriiska iyo suurtogal dunida oo dhan, ayaa ay maxkamadi ku ridday nin u dhashay dalka Ingiriiska oo lagu magacaabo Rodney Williams, kadib markii ay ku heshay 12 fal oo tuugo ah. Warkan oo uu gEeska Afrika ka soo xigtay wargeyska The Independent eek a soo baxa carriga Ingiriiska ayaa sheegaya in ninkan laga mamnuucay dhammaan meheradaha cabbitaanka (Shaah iyo Sharaab iwm.) ee ku yaalla magaalada London iyo dhulka hoos yimaadda, muddo 25  sano ah, kadib markii uu qirtay in u udhowr jeer falal xatooyo ah ku kacay.

Rodney William oo 34 jir ah ayaa uu xukunkani ka mamnuucayaa, dhammaan meheradaha cabbitaanka nooc kasta oo uu yahay ee ku yaalla 32 ka degmo ee hoos yimaadda caasimadda oo meheradaha rukhsadda u haysta cabbitaannada ee ku yaalla tiradoodu dhan tahay 35 kun oo meheradood. Maxkamadda Snaresbrook Crown ee xukunkan gaadhay ayaa sidoo kale Rodney waxa ay ku xukuntay 8 sano oo xabsi ah. sarkaalka baadhista kiiskan ee booliiska oo ahaa Isbatoore Ian Simpkins ayaa mar uu ka hadlay aragtidiisa arrintan la xidhiidha waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Waa natiijo aad u fiican iyo xukunkii ugu habboonaa ee lagu ridi karayey tuuggan”

Rodney Williams ayaa la xidhay bishii Afaraad ee sannadkan kadib markii la qabtay isaga oo shandadda gacanta ka xadahaya merehad ku taalla magaalada London. Xukunkan ku dhacay ayaa dhaliyey doodo xiiso leh iyo sheeko ay dadku isla dhex maraan iyaga oo ka maadaysanaya.