Sababaha Keena Xanuunka Xaglaha Iyo Waaxyaha Jidhka Iyo Siyaabaha Ugu Fiican Ee Looga Hortegi Karo

0
1242

 

Dr. Hans Michael ayaa sheegay in xanuunnada xubnaha jidhka gaar ahaan dhabarka, gacmaha, lugaha, garbaha, iyo dhudhumada gacmaha iyo luguhu ay yihiin xaalad lagu arko dhammaan da’aha kala duwan ee ee dadka. Sababaha keenaana ay tiro badan yihiin, una qaybsamaan kuwo jidhka ku dhaca iyo xanuunno nafsadeed.

Dhakhtarku waxa uu sheegay in sababaha dhinaca jidhka ah ee keena ay ka mid tahay dhaawacyo aanu qofku dareensanayn oo ka dhasha jimicsiyada, qaab fadhiga ama jiifka qaldan, iyo hab nololeedka qaldan ee ay ka mid yihiin sigaar nuugista, khamri cabbista, fadhiga muddada dheer ah iyo buurnida.

Dr. Hans waxa uu sheegay in xanuunnada ay ka mid yihiin Roomatiisamka, oo ka dhasha caabuqa xaglaha, iyo meelaha ay lafuhu isugu yimaaddaan, bukaanka ku dhaca neerfeyaasha, lafa burburka, iyo khalkhalka ku dhaca qulqulka dhiigga iyo xanuunnada neerfeyaasha ku dhaca. Iyada oo xubnaha xanuunka xaaladaha nafsiga ah ee keenana ay ka mid yihiin, isku buuqa, sakatiga, cabsida iyo warwarka.

Dr. Hans waxa uu ku taliyey in haddii xaaladdani ay muddo sii jirto, in ay waajib tahay in dhakhtar lagala tashado, si loo hubiyo sababta dhabta ah ee keenaysa xanuunkan.

Isaga oo dhinaca kalana sheegay in sida ugu habboon ee xanuunkan looga hortegi karaa ay tahay in qofku uu jimicsiga ku sameeyo hawo furan, iyo in uu jimicsiga dhismaha muruqyada qaybo ka mid ah sameeyo, isaga oo ku dadaalaya in uu miisaanka dhimo, balwadaha sigaar nuugista iyo khamri cabbistana uu joojiyo. Ugu damayntii waxa uu dhakhtarku soo jeediyey in qofku uu ka taxaddaro u fadhiisiga iyo u jifsiga qaabka qaldan ah, iyo in laga dheeraado xaaladaha nafsiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here